Mas’uuliyiinta dowlada oo boqolaal dadweyne ah kala qeyb-gashay salaada ciidda

by admin | Saturday, Oct 4, 2014

Muqdisho : HN :- Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Pro Max’ed Cismaan Jawaari, ra’iisal wasaare C/wali iyo xubno isugu jiray wasiirro iyo xidhibaanno ayaa maanta salaada Ciidda waxaa ay kala qeyb-galleen masjidka isbaheysiga boqolaal dadwyene ah oo Soomaaliyeed.

Dhamaan jidadka soo galla masaajidka ayaa waxaa aroornimadii hore ee saaka jaray ciidamada dowlada iyagoo wadooyin kale u jiheynayeyCiida 04 10 20145 (2) gaadiidka, marka laga reebo dadka socotada ah, iyadoo dadka soo galayay masaajidkana si adag loogu baarayey dhowr goobood.

Ku-simaha Madaxweynaha dalka salaadda ciidda kaddib khudbad u jeediyay dadweynihii Masjidka Isbaheysiga ku tukaday ayaa ugu horeyn ugu hambalyeeyay munaasabadda ciidul Adxa, isagoo u rajeeyay in sanadkan kiisa kale ay ku gaaraan horumar iyo baraare.

Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ku booriyay Ummadda Soomaaliyeed in ay iscafiyaan iskuna naxariistaan maadaama abaaro iyo dhibaato adag ay ka jirto dalka, isla markaana ay u gurmadaan dadka tabaaleysan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!