Mas’uulka ka tirsanaa wasaarada qorsheynta dowladda Soomaaliya oo goor dhaw la dillay

by admin | Sunday, Feb 15, 2015

Muqdisho : HN :– Mas’uul ka tirsanaa Wasaaradda Qorsheynta ayaa maanta lagu dilay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Dharkeenley, iyadoo ciidamada ammaanka ay u qabteen dad lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen dilkaas.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Yuusuf Maxamed Siyaad, waxaana dad goob joogayaal ahi sheegeen in kooxo bastoolado ku hubeysan ay dileen, xilli uu shaqadiisa u socday.

Ciidamada ammaanka oo goobta soo gaaray ayaa la sheegay inay dad dhowr ah u qabteen, waxaana socda baaritaan ku aadan dilka SarkaalkanBastoolad-12.

Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga C/raxmaan Ceynte oo ka hadlayay munaasabad uu xilka kula wareegayay ayaa sheegay inuu ka xun yahay dilka howl wadeenkaas.

“Waxaa hada isoo gaartay in la dilay Yuusuf Maxamed Siyaad oo ka mid ahaa howl wadeenada Wasaaradda Qorsheynta, runtii aad ayaa uga xumahay, waxa falkaas ka dambeeya waa kuwo nabada iyo dowladnimada diidan”ayuu yiri C/raxmaan Yuusuf Cali Ceynte.

Ma jirto ilaa iyo hada cid sheegatay dilkan, hase ahaatee waxaa uu dilkan qeyb ka yahay dilalka qorsheysan ee ka dhaca magaalada Muqdisho.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!