Maxaa dhacay? WQ: Bashir M. Hersi

by Yahye | Thursday, Sep 13, 2012

Beri hore, waxaa jiray nin aqli badnaa, oo dhacda walbawax ka dhaha, saadaalin iyo sadar muuqda mid ay tahayba.

Rag waa balaayee, maalin maalmaha ka mid ayaa ninkii lootashtay in la shirrabo maankiisa, loona maleegay dabin ay is lahaayeen wuu ku dhici doonee, si dadka loo tuso inuumaangaab aan caqli lahayn yahay.

Ninkan la jirrabayaa wuxuu caan ku ahaa waxgaradnimada iyo caqliga badan, haddaba si loogasalgaaro ayaa Neef Hal ah la laqsiiyey Masaar! Ka dibna loogeeyey, oo lagu yiri: “Hashaan baan bixin waynnay waxaay qabto, ee bal noo sheeg sida xaalkeedu yahay?”.

Maaniyihii inta dhan walba iska taagay Hashii, oo docwalba ka eegay, oo gees walba ka taabtay, ayuu isagoofajacsan oo fara taagaya, yaab awgiis la yiri: “Hashaanmeermeeray oo meel walba ka eegaye, anigamaankeyga gaddaye, ma Masaaray laqday?!” xilagaa lajoogay xataa “scan” ma jirin, in Geel la saarana loomabahindisin!

Maxaa dhacay?

Tobankii bisha sagaalaad ee sanadka 2012 maalintaarikhi ah dheh, dadka qaarkii maalmo aan maamuus iyomagac lahayn bay taariikh u sheegaane, maalin ay isbadashay saadaaal siysaaded kasta oo la filanayey, maalinay dhacday sidii la filayey si aan ahayn, maalin wax kalawareegeen.
Horaa loo yiri: “wax aadan filanayn iyo fallaariba waakaa fajaciyaane” hadda, fajaca ka sokow, maxaadhacay? Sidee wax u dheceen? Halkee wax ka kalawareegeen? Yaa kala wareejiyey? Maxaa ka dambeeya kalawareegga? Ujeedkee laga leeyahay muxuu ahaa?.

Ogaalka warcelinta weydiimahan wax badan ayeytarayaan, waxay wax ka taraan ogaalka dhacdada,diiwaangalinta sooyaalka iyo in la taariikheeyo wixiidhacay, taa ka sokow, waxay wax u taraysaa inta ogaaldoonka ah, ama inta u dhuun daluula inay wax kaogaadaan sidii wax u dheceen, maxaa yeelay dadku iskudooq ma ahan isku aragtina ma ahan, sidaa awgeed, inhelo warcelinnadaa waa muhim.

Dhanka kale, ogaalka warcelinnadan waxay nagacaawinayaan inaan wax badan ka ogaanno Madaxweynahancusub mudane Xasan Sheekh, hadda magac qura un baanhaynnaa, balse, haddaan helno kuwaa, waxaan awood uyeelan karnaa inaan celcelis samayn karno, si aan uogaanno siyaasad ahaan waxa ka imaan karaa ama aan kasugi karno, ee go’aan iyo talo ah.

Waxaa kaloo jira weydiimo muhim ah oo kale, sida:Mudane Xasan Sheekh Siyaasadda hore uguma jirin,mudda yar ayuu ka soo dhex muuqday, haddaba, maxaa kudhaliyey inuu siyaasadda galo? Yaa ku dhiirragliyey inuumasraxa siyaasadda ku biiro? Hubaal inuu aragti yeelankaro, uuna u madax bannaanaa karo, taa oo aan cid diidikartaa jirin, haddana, way dhici kartaa in la wadaajiyey oouu la falgalay, mise sida Yuusuf Garaad ayuu dhihi doonaa: “Dadkaygayga baan u damqaday!” damqashoow ba’!

Dhan kale, yaa maalgaliyey ololihiisa doorashada?Weydiintan murashax kasta ee aan hanti qaran lunsan ayeyhor oolli lahayd ee guulaysta. Hubaal inuu xaq u leeyahayinuu helo cid maalgalisa oo gacan siisa? Balse, ogaalkeeduwax buu noo tarayaa, sidoo kale, dhacdadii Isniintii mawaxay ku dhacday si kama’ ah mise waxay ahayd midqorshaysan? Micnaha guushan uu gaaray mudane XasanSheekh ma iska timid isagoon ogayn kana soo shaqayn misewaxay ahayd mid laga soo shaqeeyey? Dhacda iska dhacdaama jirto, oo aan sabab iyo lahayn wax keena.

Hubaal in labada Shariif la nacay, Allaw Karaahiya hanaga dhigin! Ku digashada Shariifse waxaan isaga daayeyinaan qadaadka la qaban sidii C/laahi Yuusuf ama isagoogunuunacaya Xamar ka soo tagin sida C/qaasim Xasan ookale, balse aqbalay natiijada doorashada. Haddana, sidaloo nacay miyaa loo soo dhaweey Xasan Sheekh? Mise wax kale ayaa jira oo naga qarsoon? Labada Shariif inay israaceen xaq bay ahayd, inaysan kala harin hanuun bayahayd, waa meeshaan ka dhihi jiray Shaydaanba habadalee inay baxaan way ahayd! Balse, maxaa noo xiga?Weydiinta madaxa daalinaysa waa middan oo aanba isleeyahay kuwii hore waa ka sii adag tahay, maxaa yeelayka wercelinteedu waa fashal ama guul!

Meerisyo ka mid ah maansada “Quduro” ee AbwaanMaxamed Isbraahim Warsame “Hadraawi” ayaa waxaaka mid ahaa:

Maxaa ruux qaldhebayoo
Qormadii rugtiisiyo
Qudha laga toleeyoo
Misna quusan waayoo
Nafta quudhi waayoo
Qarandida sideedii
Qodanaaya booraan
Godka meel qarkiisa ah
Qoobley ordaysiyo
Fardo qaxay ku jiidheen!

Hambalyo haaf ah!

Horta Aadane lama qancin karo, lagamana eed bexi karo,balse, in eber laga dhaqaaqay iyo in kale, maalmaha baanu daynayaa Abwaan Cabdilaahi Suldaan Timacade“AUN” ayaa Calan saarkii koowaad ku maansooday:

“Kanna siib kanna saar”
Haddii waaqica lagu dabaqo ma noqon artaa:

“Kanna dir, kanna dooro!”

Mid waa xaqiiq inaan wali KMG laga bixin, aqriste, bal siigoob qoramadii ahayd: “Ku mee gaarkii ma lagaabxay?!” in ciidan shisheeye wadanka gees ka geesjoogaan, haddana, madaxweynaha hawlo badan baahoryaal, marka laga soo tago waxyaabaha tecnic ahaan laisku maandhaafi karo.

Madaxweynaha cusub Xasan Sheekh, waxaa horyaal miliqbadan oo ay daadsheen Wadaad iyo Waranle, ay ugumuhimsan yihiin qodobbada kala ah: DAMACA DARISKA & DUNIDA, AMISOM, XABASHI, KENYA, ALSHABAAB,JOOJINTA XASUUQA KA SOCDA KOOFRURTA DALKA,BADDA iyo BERRIGA BELEDKA, MUSUQA, MAAMUL WANAAGGA, WADA SHAQAYNTA HAY’DAHA DAWLADDA, DHAMMAYSTIRKA HANNAANKA, DAWLADNIMO AWOOD QAYBSIGA IWM!
Ani ahaan waxaan is dhihi karaa qodobaddan waxaa ugumuhimsan saddax kala ah:

QAAB DHISMEEDKA GOLAHA WASIIRRADA, gaarahaan Ra’isul wasaaraha.

JOOJINTA XASUUQA KOOFURTA DALKA KA SOCDA.

XADAYNTA XILLIGA CIIDAMADA SHISHEEEYE WADANKA KA BAXAYAAN.

Waxaa la yiri isbadal baa dhacay, hubaal in walidambeeyaan xertii: “Bislaami wa kafaa!” isbadal wuxuukeenayaa in wixii hore la gooyo, waxaan uga jeedaa,haddii isbadal dhacay, madaxweynuhu waa inuusan xilnoogu dhiibin mudanayaashii xilal ka soo qabtay dawladihiihore, gaar ahaan kuwii musuqmaasuqa ku caan baxay, heerdunidu soo bandhigtay, liilkan hoose ka daawo heestii: “Waa inaan dib loo arag!” ee kooxda Qaylodhaan:

http://www.youtube.com/watch?v=MRylNacjOoY

Bal aan ka hordhaco dhismaha Xukuumadda imaan doonto,oo aan isku dayo inaan magacyo sheego, la dhihi karo waaka mid noqon karaan Golaha Wasiirrada:

Prof. Axmed Islaaciil Samatar, Wasiirka ArrimahaDibadda.
Prof Axmed Muumin Warfaa, Wasiirka ArrimahaGudaha.
Yuusuf Garaad Cumar Axmed, Wasiirka Warfaafinta,Boostada iyo isgaarsiinta.
Cabdi Shire Jaamac, Wasiirka Cadaaladda iyoGarsoorka.

Magacyadaa dadku aad bay u hadalhayaan, go’aankawaxaa iska leh Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha uumagacaabi doonee, kaliya ujeedku wuxuu ahaa indareenka dadka la wadaajiyo.
Mar kale aan ku laabto meerisyo ka mid ah maansada“Quduro” ee Abwaan Maxamed Isbraahim Warsame“Hadraawi” ku leeyahay:

Qaybdiid haddii uu
Qado wadari leedahay
Qoondaystay keligii
Gaariyow nin qadanaa
Qiimeeya noloshoo
Weligii qadderiyee
Qaska iyo colaaddiyo
Kama naxo qulqulaadaha
Qarfihiyo abaaraha
Rati qooqan baan ahay
Maskaxdaydu qayliyo
Qiiq baa ka baxayoo
Bulsho qawqab diidaan
Bal inay qamaamaan
Qabqabaha u tumayaa
Nin qab ii dhigaayaan
Anna qool u xidhayaa
Qoortaydu waa iib
Wax ka qaaya-weynoo
U qalmaan u hurayaa.

Ugu dambayn, waxaan ku soo gaabinayaa, hawshaqabyada ah, hardanka muuqda, halganka dhimman iyohilowga nabadda loo qabo, isu gaynteeda waxaymuujinayan sida arrimuhu u kala fog yihiin, haddananolosha yaaba rajo ehe, la’aan waa nolol duugide, aan kawardhawrno maalmaha iyo tallaabooyinka Madaxweyahacusubi qaadan doono.

Qormada waxaan ku soo af xirayaa meerisyo ka mid ahmaansada “Quduro” ee Abwaan Maxamed IsbraahimWarsame “Hadraawi” ku leeyahay:

Maxaa iga qabyo ah hawl
Wax ka qabashadeeduna
Qayrkay ku xidhantahay
Muxuu qalinku sheekiyo
Qubanaha dharaartiyo
Kolba qodob la yaabliyo
Mahadhooyin qorayaa!

Bashir M. Hersi
brdiraac@hotmail.com

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!