Maxaa ka jira in Ugaas Xassan iyo beesha caalamka ka wadda hadlleen soo xulista xildhibaannada

by wadani | Sunday, Oct 9, 2016

Beledweyne : HN :-Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in beesha calaamka ku marti-qaaday Ugaas Xassan Ugaas Khaliif in magaalada Jowhar uu ku soo xullo xildhibaannada baarlamaanka federaalka ku matallaya beesha Xawaadle.

QM, midowga Yurub, Mareykanka iyo urur gobolleedka IGAD ayaa lagu waramayaa in arintan si toos ah uga hadlleen leyskuna afgartay in wafdi ka socda beesha caalamka uga sii hormaraan magaalada Jowhar Ugaaska, kaddibna kaddibna halkaa lagu marti-qaado, iyadoo loo madax-banaaneynayo soo xulista xildhibaannada baarlamaanka federaalka ee beesha Xawaadle.

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayaa awood u yeellan doona oo kaliya in uu soo xulo xubnaha aqalka sare ku matallaya labada gobol, halka xildhibaannada aqalka hoose la sheegay in uu soo xuli doono Ugaas Xassan Ugaas Khaliif.

Wasiirka wasaarrada arrimaha gudaha iyo federaalka C/raxmaan Max’ed Xusseen Odawaa oo maanta hadal ka jeedinayay munaasabadii dhaarinta xildhibaannada maamulka cusub, ayaa sheegay in magaalada Jowhar lagu soo xuli doono xubnaha xildhibaanada labada gobol uga mid noqonaya baarlamaanka federaalka.

Inkastoo warka ku saabsan in Ugaas Xassan lagu marti-qaaday magaalada Jowhar yahay oo kaliya mid si dadban warbaahintu ku heshay, haddana dhinaca beesha caalamka iyo Ugaas Xassan intaba arrinta kama aysan hadal.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!