Maxaa laga fillan karaa maanta baarlamaanka marka la horgeeyo xukuumada cusub

by admin | Monday, Feb 9, 2015

Muqdisho : HN :– Maanta ayaa loo ballansan yahay in baarlamaanka la horgeeyo xukuumadii uu dhawaan soo dhisay ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharm’arke oo marka la eego lagu tilmaamo karo xukuumadii ugu tirada badneyd ee soo marta dalka Soomaaliya.

Dhowr jeer oo hore ayeey mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya gaashaanka ku dhufteen magacaabis uu sameeyay ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmar’arke, hasse ahaatee fadhiga maanta ayaa u muuqda mid kama danbeys ah oo ay xildhibaannada codka kalsoonida ugu qaadi doonaan xukuumada magacaaban.

Inkastoo wali ay jiraan mudanayaal ka tirsan baarlamaanka oo aan la dhacseyn habka wax loo magacaabay sababeey doontaba ha ahaatee,Xildhibaan-620x264 ayaa haddana dhinaca kale hadal heynta ugu badan waxaa ay tahay in baarlamaanku codka kalsoonida siin doono xukuumada ra’iisal wasaare Sharm’arke, madaama marar badan oo hore lagu noq noqday dhismaha xukuumada ra’iisal wasaaruhuna u hogaasamay dalabka baarlamaanka oo ahaa in aan xukuumada lagu soo darrin shaqsiyaad ay farta ku fiiqayeen.

Shakiga ugu badan ee taagan dhinaca kale marka la eego ayaa lagu tilmaamayaa in ay jiraan xildhibaanno olale xoog leh ka dhax wadda baarlamaanka kuwaa oo xitaa ka gudbiyay guddoomiye Jawaari mooshin ah in uusan shir guddoomin kulanka maanta, kuwaa oo xoogooda isugu geynaya in ay ridaan xukuumada.

Gollaha wasiirrada magacaaban ee maanta la horgeynayo baarlamaanka waxaa qeyb ka ah xildhibaanno ka tirsan baarlamaaanka oo laftirkooda wadda olale ay kaga dhaadhicinayaan mudanayaasha kale ee saaxiibadood ah in ay codka kalsoonida siiyaan xukuumada.

Saacadaha soo socda aya isha lagu wadda hayaan sidda ay xaaladu ku soo dhamaato…

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!