Maxaa laga fillan karaa socdaalka Cumar C/rashiid ee Garoowe

by admin | Tuesday, Jul 14, 2015

Garoowe : HN :– Magaalada Garoowe ee xarunta u ah maamul gobolleedka Puntland waxaa galinkii danbe ee maalintii shalay gaaray wafdi ballaaran oo uu horkacayay ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, kaa oo wadda hadallo kula yeellanaya halkaa madaxda ugu sareysa maamul gobolleedka Puntland oo khilaaf adag uu kala dhaxeeyo dowladda dhexe.

Booqashada ra’iisul wasaaraha ee Puntland waxaa lugu sheegay inay tahay mid kooban oo an ka bad-naan doonin muddo saddex cisho.boqasho-garowe-8

Puntland waxaa ay sheegtay in aysan aqbali karin deegaan ka tirsan in lugu biiriyo maamulka bartamaha oo sheegtay dhammaanba gobolka Mudug, waxaana wixii waqtigaa ka danbeeyay deegaannada Puntland ka jiray dibadbaxyo looga soo horjeeday dowladda federaalka laguna cambaareeyay madaxda sare.

Safarka Sharma’arke ayaa laga dhex eegaya inuu sido go’aan xal u noqon kara diid-madda Puntland ee maamulka gobollada dhexe iyo isfahan waaga kala dhexeya dowladda faderaalka ah ee Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay,ra’iisul wasaare Cumar isag aoo saxaafadda kula hadlay Garoowe,in booqashadiisa salka ku hayso sidii xal looga gaari lahaa khilaafka soo kala dhex-galay dowladda federaalka iyo Puntland,waxaa uu markaa rajo wanaagsan ka muujiyey in mad-madowga jira la sixi doono islamarkaana wax walba guul iyo is-afgarad ku soo dhammaan doonaan.

Laakiin dadka sidda weyn ugu dhuun-daloola arrimaha siyaasada ayaa sheegaya in laga yaabo safarkan uu ku tagay magaalada Garoowe Cumar C/rashiid ra’iisal wasaaraha Soomaaliya go’aamada ka soo baxa noqon doonin kuwa u cuntama dowladda dhexe, waa haddii uu ra’iisal wasaaruhu aqbalo dooda Puntland ee ku saleysan in inta badan Mudug maamusho Puntland.

Hiiraan Net.

 

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!