Maxaa uga Wacan In Da,Yarta Muslimiinta Ay Jihaadka Ugu Safraan Meelaha Dagaaladu Ay Ka Holcayaan!‏

by Yahye | Monday, Oct 20, 2014

Is gaarsiinta caalamiga(Social Media) oo heerkii ugu sareeyey gaarey  & meelaha Diinta & Shareecadda Islaamka lagu baranayo sida Masaajidada Taxfiidka oo Dad ku soo gabada kuwaasoo wejiyadooda ka muuqda Ahlu Diinninmo & Tawaaduc isla markaana ah Shabakad Caalami ah oo ku takhasusey iney Da,Yarta Muslimiinta ah ay uga sheekeeyaan in Shareecada lagu dhaqmo Dulimiga & Cadaalad darridana la is hortaago isla markaana Jihaadku uu xaq yahay qofkii ku dhintana isla markii janno gelayo, qofkaana inuu ka nool yahay Xaga Alle ee Saaxibadii ayan arki Karin ee Isagu arkaayo waqti walba

Badanaa wiilkii u safraa meelaha Dagaalada ay ka jiraan waxaa  sabab looga dhigaa Waalidiintii dhaley inayan ka warhayn wiilkooda ama gabadhooda iyaga laftoodana markii Wiilkoodii/Gabadhoodii ka baxsadaan ma sheegaan Cabsi dartii si aan loo oran iyagaaba wax  la ogaa ama sabab bey u ahaayeen arrintaa

Taasi si  looga jawaabo waxaa la ogaadey Qolooyinkaa Diinta beenta ka sheega ama sida xun aayadaha Quraanka u tafsiiriya ama carruurta bara quraanka  Aayaadka Jihaadka oo keliya  in ay marka hore kasbadaan Da,Yarta kaasoo isaga dhiga Aabaha Ruuxiga ah ee Ardeyga wuxuuna u sheegaa kolkii horeba waalidkaa ixsaan u samee warkiisana maqal laakiin sirtaada ha u sheegin haddii kale u Gargaarka Islaamka ama Jihaadka ayuu kaa hor istaagi doonaa taasoo u dhiganta in Jannaba aad heli weydid …. Waxaa kaloo garab socda si tartiib ah in Maskaxda laga mayro Wiilkii/Gabadhii taasi darteed  waxaaba dhacda inayan sirtooda & warkoodaba ay waalidiinta & ehelka & asxaabtaba ay ka qarsadaan isla markaana iyaga laftoodii bilaabaya iney soo xera geliyaan Da,Yarta kale ee Daciifiinta ah ee sida uga dhaqsiyaha badan loo kasban karo.

Ummadda looma baahna iney is indha tiraan waayo wey garan karaan halka carruurtooda lagaga soo geli karo ummadda Muslimiinta ah gaar ahaan Soomaalida waxay jecel yihiin iney carruutooda baraan diinta Islaamka kolkaa waxaa loo baahan yahay qofka aad ku aamini kartid inaad ku ammaneyso Wiilkaaga/Gabadhaadha kana war haysid ee aad ka dhigatid saaxiib xitaa mararka aad fursada leedahay dhex fariisatid meelaha ay carruurta wax ku baranayaan si aad u yara ogaatid waxa meeshaa ka socda iney tahay waxbarasho dhab ah ama waxyaabo aan Alle raalli ka ahayn

Sidaa si la mid ah Dowladaha Islaamka xilbaa ka saaran iney Manhaj Cad u dejiyaan Dugsiyada lagu barto Quraanka kariimka si carruurta loogu barbaariyo Akhlaaqda Diinta Islaamka lana hor istaago in carruurta la baro waxyaabaha ka fog Shareecada Islaamka waayo Maanta Ciddii dan lihiba waxay ku soo gabataa Shareecada Islaamka … waxaana wannaagsan in la asaaso Guddi dabagal ah ee wax ka ogaada carruurta waxa la barayo kuwaasoo ku takhasusey Shareecadda Islaamka laguna soo xusho dhexdhexaadnimo & aqoon loo leeyahay sida isagoo weligii aan ka qayb qaadan Dagaal Xisbi diimeed ee dad lagu laayey ama kartidiisa, dulqaadnimadiisa & Akhlaaqdiisa. Ta kale waa in la Rajiistargareeyaa Dugsiyada Quraanka lagu barto oo idil & Barayaasha Magacyadooda isla markaana la siiyaa Siminaaro kala duduwan saddexdii biloodba mar si loo kordhiyo waxbarashada ardeyga laguna barbaariyo Akhlaaqda waafaqsan Diinta Islaamka & si loo hor istaago kuwa ku soo gabada Diinta ee Carruurteena ku barbaariya ama maskaxda ka mayra si ay isu qarxiyaan ay ummada kii door ahba ay u khaarijayaan.

Ali Sheikh Adam

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!