Maxaabiis ka baxsatay xabsiga magaalada Beledweyne

by admin | Wednesday, Oct 15, 2014

Beledweyne : HN :– Ilaa sideed ruux oo ku eedeysneyd danbiyo kala duwan ayaa habeen hore waxaa ay ka baxsadeen xabsiga magaalada Beledweyne, waxaana ka mid ahaa maxaabiista baxsatay kuwa eedeysnaa danbiyo dil ah iyo Al-shabaabnimo.

Max’ed Ibraahim C/llaahi oo ah guddoomiye ku-xigeenka dhinaca ammniga ayaa u sheegay laanta VOA-da in waxba kama jiraan yihiinBeled-weyn-allkisima maxaabiistaas la sii daayay, isaga oo sheegay in ay ka baxsadeen xabsiga, kaddib markii ay duleeliyeen qeyb ka mid ah qolkii ay ku xirnaayeen.

”Xabsiga mudo dheer wax dayac-tir ah ma helin, siddaa ayeey ka faa’ideysteen maxaabiista, waxaa ay jabsadeen qeybo ka mid ah qolkii ay ku xirnaayeen waana ay baxsadeen,” ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenka dhinaca ammnga maamulka gobolka Hiiraan.

Waa markii ugu horeysay oo mar kaliya tiro intaa la eg oo maxaabiis ah ay ka baxsadaan xabsiga magaalada oo ka mid ah marka la eego tariikh ahaan xabsiyada ugu faca-weyn dalka.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!