Maxaad kala socotaa awood qeybsiga maamulka Hiiraan-Shabeele state

by admin | Saturday, Aug 15, 2015

Muqdisho : HN:- Kadib markii hogaamiyayaasha siyaasada aay isla qaateen in labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeelada dhexe leysku darro ayaa waxaa soo baxaya faah faahin sida maamulkaas awood qeybsiga sida baarlamaanka caasimada madaxweynaha iwm aay noqon doonto.

Baarlamaanka:
Maadaama gobolka Hiiraan uu juquraafi iyo dad ahaanba uu ka weyn yahay gobolka shabeelada dhexe ayaa la saadaalinayaa in tirada baarlamaanka ee ka koobnaan doonta 72 mudane 37 ka mida Hiiraan qaadan doonto, halka gobolka Shabeelada dhexena uu qaadan doono 35, sidaana waxaa gudoomiyaha baarlamaanku ka imaan doona gobolka Hiiraan.

Magaca Maamulka:-
Magaca maamulka waxaa loo bixin doonaa Hiiraan-shabeele state. kaasoo ah mid labada gobolba kulmiya maadaama labadii magacba aay ka muuqdaan.

Caasimada:
Caasimada maamulka ayaa loo badinayaa in degmada Buulo burte laga dhigi doona, iyadoona loo qiimeeyey istiraatiijiyad ahaan halka aay ku taalo.

Madaxweynaha:
Madaxweynaha waxaa qaadan doona gobolka Shabeelada dhexe maadaama, caasimadii iyo gudoomiyihii baarlamaanka leeysugu daray gobolka Hiiraan.

Gogosha shirka.
Gogosha shirka ayaa lagu qaban doonaa magaalada B/weyne, maadaama halkaa shir beelaha Hiiraan uu horey uga socday, in shirkaas la xoojiyo loona bedelo mid maamul goboleed loogu dhisayo Hiiraan iyo shabeelada dhexe.

Shaxdan kore ayaa ilo xod ogaal ah sheegayaan in aay tahay mida loo badinayo in leeysla qaato, wali goáan rasmiya ma dhicin laakiin waxaa socda karin iyo xod xodasho siyaasaseed sida shaxda maamulka HiiraanShabeele state uu noqon doono.

Hiiraan Net

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!