Maxaad Shirib ka taqaan? Q:3AAD‏

by Yahye | Monday, Jul 16, 2012 | 256 views

Labaddii qaybood ee hore, waxaynu ka soo hadalnay, xeerarka iyo Miisaanka Shiribka iyo hal ku dhigyadiisa lagama maarmaanka ah, inagoo halkii ka sii ambaqaadi donna, ayaa waxaan sii qeexaynaa Shiribka iyo suugaanta kale arrimo ay wadaagaan iyo kuwa ay ku kala duwan yihiin.

Shiribku maaha hees, balse xilliyadan  danbe sida heesaha casriga, hees ciyaareedkii oo dhan looga dhigay hees lagu luuqeeyo, ayaa Shiribkiina laga dhigay hees lagu luqeeyo, oo la dhegaysto, durbaan iyo dararamna leh, wax dhibana uma keenayso qiimaha iyo milgaha Shiribka, wana loo qaadi karaa qaab heeseed, balse, asal ahaan  hees maaha, oo bahda heesaha laguma tiriyo, wuxuu la wadaagaa dhinacyada Jiibta jaanta iyo luuqda gaarka ah, booddada iyo gooynta. Jiibta shiribka haddaan tusaale usoo qaadano  sidan ayay , “Heleey wayaa hibooy hellee, waayaabe heliboow hellee,ama Heeleey heeleey heeley waayaa, waayaaba heeleey heeleey waa

Bal liilkan hoose ka dha dhagayso hees uu xareedixo fannaan C/qaadir Jubba oo qaabka casriga loo tumay.

wuxuuna leeyahay munaasabado gaar ah, kulamada, shirarka, goobaha la isku ballansado iyo iyada oo ay jirto rag ay hiwaayad gaara iyo himiloba u tahay, in ay isu shirbaan, haddaba, beryihii danbe oo Dowladnimada la helay wuxuu si weyn uga soo dhex muuqday suugaantii lagu maamuusayey munaasabadaha waaweyn iyo xusaska maalmaha qaranka, shirarka muhiimka  ee dadka deegaanka laga shirbaa degani ay noqoto wax lagu muujiyo dhaqankii soo jireenka ahaa iyo dareenkooda.

Shirib ka hadlaya arrimaha bulshada bal aan tusaale u soo qaadannee, Laashin Nuur Caggeey”(AUN) wuxuu yidhi:

Afar walxaato Alif ku taal, Minaad aragto waa Inkaar:

Adoon Ariyo Geel lahayn, Abaar ku arrad waa inkaar!

Igaarkii kuu aroorayoon, kuu soo aruurin waa inkaar!

Abooto Aabbahaa dhashood, ka oohisiisay waa inkaar!

Nimaad Islaam ku aamintoo, kaa eexahaayo waa inkaar!

Wuxuu Laashinku tilmaamay inay jiraan afar arrimood oo inkaar iyo dhibaato sababi kara oo kala ah:

Adoon Ariyo Geel lahayn, Abaar ku arrad waa inkaar!

Inta badan abaartu waxay saamaysaa xoola dhaqatada iyo beeralleyda, marka hadduu jiro qof aan xoolo lahayn,beerna lahayn, hadduu yiraahdo waxaan u arraday  abaarta  iyo wax  la’aanta awgeed, maaha wax suurta gal ah, waxaa lagama maarmaan ah inuusan is dhigan abaarta awaadeed ee  xoogsado ileen Abaar iyo Aarran waa isugu mid xagiisa, waayo haddii abaari timid iyo haddaysan imanba  saamayn kuma laha dhinaca dhaqaalahiisa,dadkuna haynta  meel kasta oo la joogo lagama sina,  markaa wuxuu Laashinku isagoo baraarujinaya leeyahay; waa inaad xoogsataa, oo aad gacantaada wax kula soo baxdaa, oo aadan u arradin, illeen awalba xoolo maad lahayne, maxaa Abaari kaa taraysaa?.

Igaarkii kuu aroorayoon, kuu soo aruurin waa inkaar!

Meeriskani wuxuu ka hadlayaa wiilkaagii ama ilmahaad dhashay oo ceelka kaaga doonay biyo ama xoolihii arooriyey, haddii uusan  dib u soo laaban inay tahay   inkaar iyo arrin naxdin leh , wuxuu tilmaamayaa  werwerka waalidka inaysan hurdo ledin  haddii ubadkoodu  war iyo wacaal la’aan kaga maqan sidoo kalena wuxuu tilmaamaya  amni darrada iyo nabadgelyo xumo inaysan wanaagsanayn.

Abooto Aabbahaa dhashood, ka oohisiisay waa inkaar!

Meeriskani wuxuu muujinaysaa inaadan  aflagaado u gaysan waalidkaaga oo dhan halkanse wuxuu ku soo halqabsaday Laashinku  Aabbahaa Hooyadiis Abooto (Ayeeyo) oo uu sheegay,inay tahay waalid mudan in la karaameeo oo la ciseeyo, in laga inkaarsado ama lagu caasiyaana tahay wax xun oo aan dhaqan iyo diin midna ku wacnayn.

Nimaad Islaam ku aamintoo, kaa eexahaayo waa inkaar

Meeriskanina wuxuu tilmaamayaa in is aaminku yahay wax  wanaagsan, balse,  eexda iyo sinnaan la’aantu tahay wax xun, waayo shaqsi aad aamintay, oo gar u dhiibatay adigoo Islaannimadiisa ku qiimaynaya, oo  kaaga eexday si aan cadaalad ahayn  waa inkaar iyo habaar weeyaan.

Haddaba Shiribka ayaa leh fan iyo farshaxanimo u gaara, mana aha suugaanta sida  Geeraarka, Jiiftada iyo heesta in nin  weliba hawaysan karo, ee waxuu u baahan yahay shaqsi aqoon u leh, habdhiciisa, miisaankiisa iyo hannaanka laysugu dubbarido.

Shiribku waa gole ka fuul Isla goobta la jooga lagu sameeyee ee looma soo fekero! wuxuu leeyahay mararka qaarkood Halxiraalela isku weydiiyo su’aalo dhaqan ama ujeedooyin kale.

Shiribku waxuu leeyahay inta qaab iyo qorshe ee ay suugaaani leedahay, waxaana loo adeegsan karaa Xummaan iyo samaanWacyigelin, Baraarujin, Jareexokaftan, Dhaleecayn, AmmaanHanjabaad iwm.

Sida dhaqanku yahayna waxaa jirta qaabab badan oo dadku wax isu tari jiray, sida  Kaalada, oo ninku markuu guursado xoolo loo uruurin jiray, Qaaraanka oo qofka haddii xooluhu ka baxaan uu dadkiisa  xoolo u soo guri jireen, Magta ama Diyada oo iyana laysla bixin jiray, iyo deeq gaar ah oo ninka la gacloon jiray xigaalkiisa ama xididka ninka uu ka xoola iyo xandho badan yahay inuu u bar gooyo xoolihiisa.

Haddaan tusaale u soo qaadanno, waxaa hadda ka  hor dhacday  in Laashin “Cabdulle Aw Muuse” (AUN) Oo aad caan uga  ahaa deegaannada Shabeellaha dhexe ayaa waxaa u soo xoolo doontay dad ay ehelo ahaayeen, oo aysan isla waqtigaas isku deegaan ahayn, nimankii marka ay u yimaadeen  ayuu shirib su’aalo ah weydiiyey isagoo qaabka ay wax uga doonayaan raba inuu ogaado, si suugaanaysan oo asluubaysan ku yiri sidan:

Saddex Walxaatoo Deelku taal, middaad  ku soo dannaysateen?

1.Ma Daaw daba caddaadayaa, ku soo diroo ducaad waddaa?

2. Mise Dog cosoboo tahoo, wax daaqa kuuma dabranayn?

3.Mise Nin dablehaad  tahoo, minaan ku diido way dirqee?

Haddaan falanqayn kooban ka bixiyo,  qaabka Laashinku u dhigay Shiribka wuxuu weydiiyey saddex su’aalood midkay ahayd dantoodu:

Ma Daaw daba caddaadayaaku soo dirroo ducaad waddaa?

Daaw waxaa loo yaqaan Dooga ama  baadka  xiliyada abaarta  ba’ani  dhacdo baadka oo dhami, Caws iyo Cayo &Caleentuba  waa qalalaan waana caddaadaan , laashinku isagoo weydiinaya  Ma abaar iyo meel baad iyo biyoba lahayn oo geedkeedii caddaaday ayaad ka timaaddeen oo xoolo iyo  kaalmo raadis ayaad ahaydeen?

Mise Dog cosobbaad tahoo, wax daaqa  kuuma dabranayn?

Mise waxaad tihiin niman bar xoolaad lagu ogayn, oo  xariggooda xoola ku jirin,

Marka barrinka reerku deggan yahay ay xoolo joogaan, Digo, Farsho, Saa    lo, iyo  raad xoolaad oo badan iyo geedaha oo ka dhammaada ayaa lagu yaqaan, haddiise  aysan meeshaas xoolaha joogin carro nadiifa oo caws iyo cayo ka buuxaan, saalo iyo raad xoolaad midna  lahaynm waa halka Laashinku ka leeyahay ( Dog cosob) gurigaagu waa guri aan xoolo ka dareerin ayuu  uga danleyahay.

Mise nin dablehaa tahoo, minaan ku diido way dilee?

Mise  nin  dab iyo hub wata ayaadba tahay, oo xitaa haddaan waxaad u socoto diido ama kuu deyriyo  nin dib u noqonaya ma tihide waabad i dilaysaa, saddexdan weydiimood oo mid weliba na barayso ujeeddo gaar ah oo laysugu yimaad ayuu  na tusinayaa shiribkani.

Haddaan Tusaale u soo qaadanno wada hadalka ama hanjabaadda iyo Garnaqsiga,  waxaa dhacday in laba nin ay dhex martay dood ku saabsan Dhul ay isku haysteen, oo midkood lahaa kan kalena doonayey inuu dhaco ama ka duudsiyo isagoo weliba  go’aankiisa adkaynaya ninkana xoolihiisa ku bannaysanaya ayaa wuxuu yiri:

Intaad dhinac saarataad, Dhulka ku leedahee i dhaaf`!

Ninkii kale oo ka garaabayaa inay xaq tahay in qof weliba leeyahay inta godkiisa laga qodayo, haddana diiddan in xoolihiisa la dhaafiyo oo garnaqsanaya ayuu ugu jawaabay:

Dhawaaqaas halna way dhibaa, Halka kalena way dhacaa

Intaad dhinaca saarataad, Dhulka ku leedahaay way dhacee

Ii dhaaf dhaxalkii Aabbahaa,  ha ku dhimanniney dhibee!

Si farshaxanimo iyo aftahanimo ku jirto oo falsan ayuu ugu hal celiyey jaalkiisii boobka u taagnaa, wuxuuna ku yidhi, waan ogahay inaan intaan dhinaca dhigayo ku leeyahay dhulka, waana iga dhaadhacsan tahay,   waase haddaan dhinto, balse intaan  noolahay dhaxalkii Aabbahay in nin iga dhaco oo I yiraahdo ii dhaaf ama iiga leexo yeeli mayo, taasi way i dhibaysaa .

Sidoo kale, dhinaca Kaftanka iyo jaajaalaynta ama jareexada waxaa jira iyana shirib badan oo ka hadlaya, haddaan mid ka mida tusaale u soo qaadanno oo laba nin is weydaarsadeen waxay yiraahdeen:

Juuc qaajo waa jirroo kalee, jeebkaaga mayga jeenanee?!

An weyga Jeenya weyn tehee, Jeebkayga xaa ka soo jeree?!

Nin jirran aan jeenayn hayn, waxaw jerin jiraan jeraa!

Is jilci jidkaasna qaad, Jamaaco saas ahaa jirtee!

Labada Laashin ayaa is weydaarsaday sheeko qurux badan, oo sidan u dhacday

Juuc qaajo waa jirroo kalee, jeebkaaga mayga jeenanee?

Wuxuu yiri: gaajadu waa cudur halisa, ee  jeebkaaga wax iga tar oo iga af qabo, ama iga jeenane wax dheef iga sii.

Wuxuu ugu jawaabay:

An weyga Jeenya weyn tehee, Jeebkayga xaa ka soo jeree?

Waabad iga xoog weyn tahay, oo iga gacmo waaweyntahay, ee maxaa jeebkayga iyo waxaan haysto ku tusay.

Kama harine wuxuu yiri :

Nin jirran aan jeenayn hayn, waxaw jerin jiraan jeraa

Nin kaalmo u baahan oo xanuunsanayaa  wuxuu dooni jiray baan doonayaa, sidaas awgeed baan wax kuu weydiistay

Wuxuu ugu jawaabay:

Is jilci jidkaasna qaad, Jamaaco saas ahaa jirte

Wuxuu yidhi isagoo u deyrinaya welibana  jikaaraya, way jiraan qolyo farsamadaa wax ku raadiya oo tuugsada ee  intaad is jilciso isna debciso miskiinimo muujiso jidkaa raac  cid wax ku siisa waayi mayside!

Shiribyada aan soo sheegnay oo nooc walba  lahaa, wuxuu ku tusinayaa inta Suugaan loo adeegsado, ee qaybaha nolosha ku saabsan  inuu shiribkuna leeyahay, oo uu yahay Suugaan dhumuc iyo qareba leh una baahan in la barto lana adeegsado.

Abwaanka ama Laashinka Shirib yahanka ah wuxuu markiiba dareemi karaa halka  deelqaafka iyo laaxinku kaga jiro markuu maqlo ama aqriyo, waxuu kale oo leeyahay arrimo u gaara, oo waxaa laysu saar saaraa  saddex saddex ama shan shan ama toddoba iyo ka badan, oo isku xiran iskuna ujeeddo ah, nin weliba  awooddiisu intay la eg tahay,  jaallaha kale ee jawaabta laga sugayaana waa inuu jidkii, isla eraygii iyo isla ujeeddadii maraa, sida ciyaaraha, hiddaha iyo dhaqanka ay ku caan yihiin.

Waxaa kale oo shiribka ay ku lifaaqaa  ragga farshaxanka ah ee aadka u yaqaan Guuroowga ama gabayga oo marka abwaanku gooynayo uu shirib ku gooyo ka dibna shiribka iyo booddada, jiibta iyo jaanta lays raaciyo, oo Abwaanka gole ka fuulka  ah ee bulshada dhexdeeda gabayga la taagan ku xiiqtirto, mararka qaarkood waxaa dhacda in Abwaanku markuu dhammeeyo Gabayga, Abwaan kalena saaro shirib la halmaala Gabayga ama Guuroowgaas ku laro oo ku bilciyo.

Tusaale ahaan: Guuroow & Shirib “Riyo” Abwaan Cabdulle Geeda Naar, wuxuu yiri:

Xalayaan riyoodoo oo qalbigu raaxo uu helaye

Hala raaya aan yeeldhay iyo wiilal aan raacsho

Saca raaya aan yeeldhay oo Dibbigu raawaayo

Riyo badana waa yeeldhay, oo laga ruxaa caano

Reer qurxoona waa yeeldhay ,iyo Ra’ iyo haaman

Risqi badana waa helay iyo Ribix aduunyaale

Raalli naaga aan yeeldhay, oo saan raba u taalla

Wiilal ragana ay ii dhashiyo, riigtan lagu faansho

Ra’liga hadday soo galaan, laga rumaysaayo

Aniguna rijaal aan naqdhay iyo oday Bun ruugooba.

 

Raaxadii minaan helay, dantuna saan rabo u taallo

Aan rakooc ka soo iri hurdada, reedahana fiirshay

Minaan dayey wax ii raaya maleh, raadna kuma yaallo

Ee rabaan cawada seexdayaan, madax  ku riiqaayey.

 

Waxaan iri: riyooy waa hubood caawa iga reeysay

Waxay tiri: adaa rabay asaan sida u rooraayey

Waxaan iri: minaan rabayna waa shaqadii ruuxaanta

Waxay tiri: wax ruuxaan la dhaho, raadka kuma saarin

Waxaan iri: maxay rorojiyoo, rigixa ii geeystay?

Waxay tiri: ma roogsane, rabtaad luga rafaadaysay.

 

Waxaan iri: rag kale maa aragtoy riyo ku dheelayso

Waxay tiri: raggaan badan, sidow rabo riyow sheegta

Waxaan iri: runtaa maahan oo ribixi buux waaye

Waxay tiri: hadduu ruux ordo xaa rabta u yaalla

Nin weliba asoo weliba rabaa laga ridaayaaye.

 

Ka dibaan rumaystay oo qalbiga saas kale u rogaye

Waxaan iri: run sheegtaa iyo been rabrabisaaba

Waxaan iri: is riixdaa iyo raalli noqotaaba

Waxaan iri: rabbaysaa iyo hoos u rogantaaba

waxaan iri: raqiistaa iyo ribix dhex joogtaaba

Waxaan iri: ruxaysaa iyo yaabis ridataaba

Waxaan iri: raq jiiftaa iyo roor ku jirisaaba

Waxaan iri: raraysaa iyo ruun ku dhaqataaba

Waxaan iri: minaad raran heshiyo rays ku socotaaba

Waxaan iri: rumootaaye ilkaha rigif ku qaadaaba

Waxaan iri: rag noqotaa iyo riif  u dabataaba

Rafaadkeerya reenteer aduunyada runteed maaha

Nin weliba asoo weli rabaa laga ridaayaahe

Inta ruuxu kugu jiro waxaad aragto ruug waaye

 

Hoobaloow, hoo,  shirib

Raguu intuu run moodayoo, reyn loo qabaan riyo iraah,

Ninba hadduu rab roogsayoow, rumoowye rag isu qabyaa!

Liilkan hoose ka dhagayso Guurowga iyo Shiribka isku laran ee Abwaanka:

Gebi ahaan suugaanta Soomaaliyeed ayaa leh murti iyo mug culus, muddooyinkan danbena waxaana inta badan wax laga qoraa qaybaha kale ee suugaanta, sidaa awgeed maan arkin Abwaan ama suugaanyahan wax ka qoray shiribka, waxaana ii soo baxay inay lama huraan tahay inaan qalinka u qaato,  oo aan  qormo kooban ka diyaariyo shiribka, haddii Eebe ogolaadona waan joogteyndoonaa faallada iyo falanqaynta jaadadka kala duwan ee suugaanta Soomaaliyeed hadba intii awood iyo aqooni ii ogolaato.

 

Dhamaad.

Mahadin

Tixraac

Abwaan Axmed Xaayoow

Nabbadoon Cismaan Axmed Mataan

Bashiir  M. Hersi,

Kaydka Shaaciyenews ee Guuroowga iyo Shiribka .

 

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Galayr1977@hotmail.com

Like it? Share it!