Maxamada ciidammada qalabka sidda oo xukun dil ah ku riday askari ka tirsan ciidammada

by admin | Sunday, Sep 28, 2014

Muqdisho : HN :– Maxkamada ciidammada qalabka sidda ee dowladda Soomaaliya  ayaa maanta xukun dil ah ku riday sadax askari oo ka tirsan militariga dalka kuwaasoo lagu eedeeyey iney dhac u geysteen dad shacab ah.

Xukunkan maxkamadeed ee lagu riday askartan ayaa yimid kaddib markii maxkamaddu ay soo gaba-gabeysay baaritaanno ay ku sameysay dhaca hubeysan ee ay u geysteen gaadiid ay shacab saarnaayeen.

“Saddexda askari waxay maxkamadda horteeda ka qirteen inay dambiga lagu soo eedeeyay galeen, ayna dhac ugu geysteen waddadaxukun. isku xirta Muqdisho iyo Afgooye laba gaari oo dad shacab ah waday. Maxkamadduna waxay waxay saddexdan askari ku xukuntay dil toogasho ah,” ayuu yiri garsooraha maxkamadda ciidamada.

Garsooraha ayaa intaas ku daray in askartan ay xaq u leeyihiin inay rafcaan ka qaataan xukunka lagu riday muddo bil gudaheed ah, haddii ay ka qaadan waayaanna uu sidaas ku dhaqan-galayo.

Afhayeenka maxkmadda darajada koowaad ee ciidamada xoogga, Col. Cabdullaahi Muuse Keyse, ayaa sheegay in maxkamaddu ay fasaxday afar askari oo kale oo lagu waayay dambigii lagu soo oogay.

Dhaca hubeysan, kufsiga iyo dilka ayaa ka mid ah dambiyada ugu sarreeya ee Soomaaliya ka dhaca, kuwaasoo ay geystaan rag hubeysan oo qaarkood ku labisan dharka ciidamada Soomaaliya.

Ciidamadan ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ee xukunka dilka ah lagu xukumay ayaa kusoo beegmaya iyadoo maxkamadda ciidamadu ay si cad u sheegtay in xukun dil ah uu mudanayo askarigii lagu helo dhac iyo in uu shacabka dhibaato u geystay.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!