Maxamed Mursi oo lagu xukumay xabsi dhan 20 sanno

by admin | Tuesday, Apr 21, 2015

Masar : HN :–Maxkamad ku taal Masar ayaa 20-sano oo xabsi ah ku xukuntay Madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Mursi, kadib markii maanta Maxkamad la soo taagay.

Waa xukunkii u horeeyay ee ku dhaca Mursi, tan iyo markii xukunka laga tuuray sanadkii 2013, xilligaasoo xabsiga la dhigay, waxaana dhowr jeer oo hore la soo taagay Maxkamad.

Mursi iyo 14 xubnood oo ka tirsan Ururka Inkhwaanul Muslimiinta ayaa ka bad baaday dacwado, sida inay dileen dibad baxayaal,mohamed-mursi waxaana ay ku muteysan lahaayeen dil.

Kooxda difaacayaasha Mr Mursi ayaa sheegay inay xukunkan racfaan ka qaadan doonaan, sidoo kale boqolaal ka mid ah ururka la mamnuucay ee Ikhwaanul Muslimiin ayaa horay loogu xukumay xukuno isugu jira dilal iyo xabsi daa’in.

Ururka Ikhwaanul Muslimiinka ayaa siweyn ugu eedeeyay madaxweynaha hadda tallada haya ee dalkaas Cabdifitaax Asisi in uu u si qaldan u adeegsannayo cadaallada dalkaas, iyaga oo sheegay in maxkamada iyo nidaamka cadaallada dalka laga dhigtay hub lagu dagaallamo.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!