Maxamuud Siraaji oo ku soo baxay kursiga xubinnimada baarlamaanka

by wadani | Thursday, Feb 15, 2018

Kismaayo : HN :_-Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose maanta oo Khamiis ah waxaa ka dhacday Doorashada kursi ka mid ah Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kaasi oo banaanaa.

Kursiga Golaha Shacabka ee lagu tartamay ayaa waxaa horey ugu fadhiyay Allaha u naxariistee Marxuum Cabaas C/laahi Sheekh Siraaji oo ahaa Wasiirkii hore ee Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u dhiska XFS, kaasi oo 3-dii May 2017-kii xilli fiid ah uu toogtay Askari ilaalo u ahaa Hanti-dhowrkii hore Qaranka Dr. Nuur Faarax, Meel Hal Meyl wax ka yar u jirta Madaxtooyada Soomaaliya.

Doorashaddan ayaa waxaa ku tartamay Musharaxiinta kala ah Maxamuud Sheekh C/laahi Siraaji oo la dhashay Marxuum Cabaas iyo Fardowsa Xasan Maxamed, waxaana Magaalada Kismaayo diyaar ku ahaa oo codeeyay dhammaan Ergooyinkii loogu tala galay in ay xubinta Kursiga doortaan, ugu dambeyna waxaa guuleystay Maxamuud Siraaji.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!