Max’ed Cali Yuusuf” Jabuuti waxaa ka go’an in ay sii waddo taageerada Soomaaliya

by admin | Sunday, Jan 11, 2015

Djabuuti : HN :–Wasiirrka wasaarrada arrimaha dibada dalka Jabuuti Max’ed Cali Yuusuf oo dib ugu laabtay Jabuuti kaddib markii uu ka qeyb-gallay shirkii wasiirro arrimo dibadeedka IGAD ee shalay Muqdisho ka dhacay  ayaa sheegay in Muqdisho ay ka duwan tahay sidii ay ahayd laba jeer oo uu safar ku tagay, uuna xilligan dareemay inay ka jirto nabad la isku halleyn karo.

“Rajada aan ka qabno deggenaashaha Soomaaliya iyo horumarkeeda xilliga soo socda aad ayuu u weyn yahay, waana is-garab-taagaynaa. Waxaan dhihi karaa Muqdisho oo keliya ma aha nee dalka oo dhan ayuu deggenaasho iyo horumariba ka muuqdaa,” ayuu yiri Yuusuf.

Sidoo kale, wasiirka ayaa xusay in Soomaaliya ay tahay qayb naga maqan oo aad muhiim u ah, maantana waxaan oranMaxamuud_Cali_Yuusuf_Mogadishu karaa buu yiri inay soo dib u soo laabatay, aad ayaana ugu faraxsanahay.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in Jabuuti ay ka go’an tahay inay sii waddo taageerada ay la garab-taagan tahay Soomaaliya illaa ay cagaheeda isaga taagayso. “Innagu haddaan Jabuuti nahay waxaa naga go’an inaan ciidammo dheeraad ah oo ah guuto ah ay ku biiriso kuwii horay uga joogay, si loo dar-dar-geliyo dib u soo celinta nabad buuxda oo Soomaaliya oo dhan ka hirgasha mustaqbalka dhow,” ayuu kusii daray hadalkiisa.

Jabuuti ayaa waxaa Somalia kaga sugan 1,000 askari oo qayb ka ah howgalka AMISOM ka tirsan, kana howlgala gobolka Hiiraan ee bartamaha Somalia, kuwaasoo dagaallo adag la galay Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya.\
Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!