Max’ed Ibraahim Xaabsade oo Baydhabo lagu aasay

by admin | Monday, Jan 26, 2015

Baydhabo : HN :– Magaalada Baydahabo ayaa waxaa lagu aasey maanta marxuun Maxamed Ibraahim Xaabsade oo xildhibaanada golaha baarlamaanka Somalia ka mid ahaa, kaasoo shalay si deg-deg ah ugu geeriyooday isbitaal ku yaalla Muqdisho oo ay maamulaan Turkiga.

Ammaanka Baydhabo ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo xalay la billaabay in la xiro gabi ahaan waddada gasha garoonka diyaaradaha Baydhabo illaa gurigii uu Baydhabo ka deggenaa maxuumka, iyadoo amniga adkeyntiisa ay ka qaybqaadanayeen ciidamada AMISOM ee Itoobiya k asocda iyo kuwa DF.

Sidoo kale, waxaa hakad la geliyay dhaqdhaqaaqa baabuur iyo shacabka, iyadoo waddooyinka muhiimka ah sida isgoysyada waaweyn lagu2015126635578578421959670DSC04975 gooyay gaadiidka gaashaaman ee ay ciidamadu isticmaalaan.

Marxuunka ayaa lagu aasay gurigiisa oo ku yaalla xaafada Berdaale, iyadoo aaskiisa ay goobjoog ka ahaayeen, xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka FS iyo qaar ka tirsan wasiirrada dowladda Somalia ee xilka sii haya sida, Yuusuf Aamin Yuusuf Baadiyow.

Wufuudda dhinaca dowladda Somalia ka socda ayaa waxaa hoggaaminayay xildhibaan Maxamed Xuseen Isaaq (Afaraale), isagoo aaska kaddib ka hadlay goobta ayaa ka sheekeeyay waxqabadkii marxuumka, maadaama ay kawada mid ahaayeen madaxdii ururkii RRA.

Aasaka marxuunka ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa mas’uuliyiinta maamulka Koonfur-galbeed oo isugu jira wasiirro iyo oday-dhaqameedyada Koonfur-galbeed Soomaaliya.

Howsha qaban-qaabada aaska marxuumka ayaa waxaa horay loogu saaray qaar ka mid ah mas’uuliyiinta maamulka Koonfur-galbeed, iyadoo dadweyne badan oo reer Baydhabo ah ay ka qaybgaleen aaska marxuum Xaabsade.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!