Maxey ka dhigan tahay booqashada madaxweyne Xassan Sheekh ee Dhuusa-mareeb

by admin | Tuesday, Mar 24, 2015

Dhuusa-mareeb : HN :– Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud ayaa safarkii labaad ku tagay magaalada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galguduud, kaddib khilaaaf xoog leh oo ka soo ifbaxay dhismaha maamulka gobollada dhexe.

Dooda ugu weyn ee arrintan ku saabsan ayaa ah halka lagu qabanayo shirka maamul u sameynta gobollada dhexe Soomaaliya, waxaana isku haya labada degmmo ee Cadaado iyo Dhuusa-mareeb.

Maalintii shalay war-saxaafadeed ka soo baxay guddiga marjaca shirka dib-u-hishiisiinta Dhuusa-mareeb, ayaa lagu sheegay inXasan-Sheekh gogosha dhismaha maamulka gobollada dhexe ka furtan tahay Dhuusa-mareeb, taasoo muujineysa sidda loogu gacan-seyray baaqii madaxweynaha ee ahaa in leysugu tago Cadaado si looga qeyb-gallo shir halkaa ka furmaya.

Safarka madaxweyne Xassan Sheekh uu maanta ku tagay magaalada Dhuusa-mareeb ayaa qeyb ka ah dadaal uu doonayo madaxweynaha in uu ku qanciyo odayaasha dhaqanka shirka dib-u-hishiisiinta Dhuusa-mareeb  in ay dib uga laabtaan go’aanka ay qaateen una hogaasamaan go’aanka dowladda ee ah in shirka lagu qabto Cadaado.

Hasse ahaatee muranka la xiriira halka shirka lagu qabanayo ayaa ah mid salka ku heysa hab beelleed, iyadoo aad moodo in ay gadaal ka taagan yihiin siyaasiyiin ka soo kala jeeda beellaha ku kala abtirsada degmooyinka Dhuusa-mareeb iyo Cadaado.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in saacadaha soo socda ilaa maalinta bari ah Muqdisho ka anbabixi doonaan odayaal ka soo jeeda beesha Cadaado, kuwaa oo iyaguna halkaa uga dhawaaqi doona shirka maamul u sameynta gobollada dhexe Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa looga fadhiyaa siddii  uu beesha degta Dhuusa-mareeb ugu qancn lahaa in ay dib uga laabtaan go’aankooda, iyadoo la og-yahay in arrintan ay ka danbeeyaan rag isugu jira siyaasiyiin iyo hogaamiye kooxeedyo hore oo aan marnaba ogoleyn in ay tagaan degmada Cadaado.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!