Maxkamad ku talla Seychelles tuurtay dacwad loo heystay burcad badeed Soomaaliyeed

by admin | Wednesday, Dec 17, 2014

Seychelles : HN :–Maxkamad ku taalla Seychelles ayaa tuurtay xukun horay loogu riday saddex ruux oo Soomaali ah oo loo haystay falal burcadbadeednimo la xiriirta, iyadoo maxkamaddu ay amar ku bixisay in si dhaqso ah dalkoodii loogu celiyo.

Shir gaar ah oo ay maxkamadu ka yeellatay dacwadda raggan loo haystay ayaa ugu dambeyn amar ku bixisay in meesha laga saaro xukunka saddexda ruux ee Soomaalida ah; kaddib markii ay maxkamaddu sheegtay inaan cadeymo ku filan loo helin dacwadahooda.

Saddexda ruux ayaa laba ka mid ah horay loogu xukumay 21-sano oo xabsi ah, halka ruuxa kale oo 16-jir ah lagu riday 14-sano oo xabsi ahBurcadbadeed_Soomaaliyeed_Seychelles iyagoo ka qaatay xukunkooda rafcaan. Taasoo sababtay in maxkamaddu ay gabi ahaan dacwaddooda laasho.

Wararka ayaa sheegaya in saddexdan qof ay ka mid ahaayeen 25 qof oo loo haystay falal burcadbadeednimo, kuwaasoo ciidamada badda Denmark ay ku qabteen xeebaha Somalia bishii Jannaayo ee sannadkii 2012-kii.

Howlgalkan ayaa lagu badbaadiyay 14 badmaaxe oo u dhashay waddamada Pakistan iyo Iran, kuwaasoo afduub ahaan ay u haysteen burcadbadeed Soomaaliyeed.

Jasiiradda Seychelles ayaa ka mid ah dalal dhowr ah oo lagu maxkamadeeyo burcad-badeedda lagu soo qabta xeebaha Soomaaliya iyo weliba badaha ka baxsan Soomaaliya.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!