Maxkamad u taalla Uganda oo sii deysay haween ku eedeysnaa falal argagixiso

by admin | Tuesday, Jan 20, 2015

Kampala : HN :–Wararka naga soo gaaraya magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa sheegaya in maxkamad ku taalla dalka Uganda sii deysay labo haween ah  Soomaaliyeed kuwaasoo ka mid ahaa 10-ruux oo ciidamada amniga ay sannadkii hore ku qabteen xaafadda ay Soomaalidu ku badan tahay ee Kampala, iyadoo lagu eedeeyay inay falal argagaxiso geysan rabeen.

Haweenka labadan ah oo lagu kala magacaabo, Yaasmiin C/llaahi oo 20-jir ah iyo Hodan Axmed oo 23-sano jir ah ayaa muddo xabsiga ku jiray, iyadoo dhowr jeer la horkeenay maxkamadda Kampala.

Xeer-ilaalinta guud ee dalka Uganda ayaa joojiyay dacwaddii gabdhahaan Soomaaliyeed loo haystay, isagoo amar kuSomali_Alshabab_links_Kampala bixiyay in la sii daayo, dambiyadii lagu soo eedeeyayna ay yihiin kuwo aanay waxba ka jirin.

Sidoo kale, qareenkii guud ee Uganda, Edward Muhumza ayaa sheegay in ay u gudbiyeen maxkamadda warqad ku aaddan in labadaas gabdhood lagu waayay dambiyadii lagu soo oogay.

Dhinaca kale, wiilal Soomaaliyeed oo iyana lagu eedeeyay inay taageerayeen Al-shabaab ayna abaabulayeen weerarro ay ka geystaan Uganda ayaa iyana maxkamad sugayaal ah.

Si kastaba ha ahaatee, wiilasha Soomaaliyeed oo magacyadoodu kala yihiin; Maxamed C/qaadir, Cabdi C/llaahi, Xasan C/weli, Maxamed Axmed, Yuusuf Cismaan, Cabdi Maxamed iyo Maxamed Yuusuf ayaa dhammaantood gacanta lagu dhisay bishii September ee sannadkii hore.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!