Maxkamada aduunka oo joojisay dacwadii ku socotay Uhuru Kenyata

by Yahye | Friday, Dec 5, 2014

Hiiraan Net; Maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada ayaa joojisay eedeymo loo haystay madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta oo la xiriiray tacaddiyo ka dhan ah bini’aadannimada sida ay ku warramayso warbaahinta dalkaas.

Dacwad-oogaha guud ee maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada, Fatou Bensouda ayaa sheegtay in aysan intaas ka badan sii wadi karin eedeymaha ka dhanka ah madaxweyne Kenyatta, maadaama caddeymaha ay hayso aysan ku filneyn sii socoshada kiiska.

Go’aanka maxkamadda ayaa yimid kaddib markii uu qareenka madaxweynaha u jeediyay garsooraha inuu laalo dacwadda, lana fasaxo Kenyatta maadaama aan lagu heyn caddeyn ku filan dacwadda.

Uhuru Kenyatta waxaa loo haystay dambiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo ka dhashay rabshadihii ka dambeeyay doorashadii madaxtinnimada dalka Kenya ee dhacay sanadihii 2007 iyo 2008. Waxaa qalalaasahaas ku dhintay kun qof, kumannaan kalena way ku barakaceen.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!