Maxkamada ciidamada oo Baydhabo ku toogatay wiil dhalinyarro ah oo ka tirsanaa Al-shabaab

by admin | Tuesday, May 19, 2015

Baydhabo : HN :- Maxkamada ciidammada qalabka sidda ee dowladda Soomaaliya ayaa subaxnimadii hore ee saakay xukun dil ah ku fulisay wiil dhalinyarro ah  oo lagu eedeeyay in uu ka tirsanaa Al-Shabaab, kuna lug lahaa weerarkii lagu qaaday Madaxtooyada Baydbab 12-kii bishii Maarso.

Ninkan oo lagu magacaabi jiray Siraaji C/llaahi Cumar ayaa Xeer Ilaalinta Maxkamada ay sheegtay inuu watay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, kaasoo la dhigay meel ku dhow Madaxtooyada Baydhabo.

Xeer Ilaalinta ayaa sheegtay in ciidamada ammaanka ay soo qabteen ninkan, kadib markii uu dhacay weerarkii Madaxtooyada, xukunwaxaana ay Maxkamadda ay dil ku xukuntay 15-bishii hore ee April.

Ciidamo isugu jiray Milateriga, Booliska iyo Nabadsugida ayaa saaka ninkan ku toogtay fagaare ku yaal duleedka magaalada Baydhabo.

Waxaa dhinaca kale lagu wadaa in xafiiska maxkamada ciidammada qalabka sidda ay maanta dhageysato dacwado kala duwan oo ah eedeysanayaal ku jira xabsiga Baydhabo.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!