Maxkamada ciidamada Puntland oo toogasho ku xukuntay dhalinyarro lagu eedeeyay Al-shabaab

by Somali | Wednesday, Mar 6, 2013 | 4 views

dhalinyaro-toogashoPuntland : HN :  Maxkamada darjada koowaad ee ciidamada maamul gobolleedka Puntland ayaa xukun dil ah ku riday sadax dhalinyarro ah oo lagu eedeeyay in ay ka tirsanaayeen ururka Al-shabaab.

Dhalinyarrada la xukumay oo kala ah C/risaaq Axmed Sheekh 18 sano jir a, Aadan Max’ed Nuur oo 19, sano jir ah, iyo Cali Max’uud Cilmi oo lagu sheegay isna 19 sano, ayeey maxkamadu sheegtay in ay dilkooda u cuskaday xeerka ciqaabta argagixisada ee u degsan maamulka Puntland.

Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa todoobaad gudihii ilaa 17 ruux oo Al-shabaab ka tirsan waxaa ay ku xukuntay xukun dil ah, iyadoo dadka ay xukuntay maxkamada uu ka mid yahay hogaamiyaha ururka Al-shabaab.

Hiiraan Net.

Like it? Share it!