Maxkamada ciidammada oo dil ku riday askari tirsanaa dowladda

by admin | Thursday, Aug 20, 2015

Muqdisho : HN :–Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Somalia ayaa maanta la Hor-geeyay, Maxamed Cali Aadan oo ka Tirsan Ciidamada Xoogga Dalka, kaasoo ku eedeysnaa dilka Askari kale oo isna ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka.

Markii Maxkamaddu Dhageystay Dacwadda loo haystay Dedeysanahan ayaa waxaa lagu xukumay dil toogasho ah, kaddib markii Maxkamaddu sheegtay inay lagu helay eedeyntii loosoo jeediyay.

Kaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, Col. Xasan C/raxmaan Aadan ayaa ku dhawaqay Xukunka Maxkmaddu ay riddayaskari-dil isagoo yiri. “Waxay Maxkamadda Ciidamadu u fariisatay dacwadda eedeysane Dable Xoogga Dalka; Maxamed Cali Aadan, 30 jir ah, kaasoo Xafiiska Xeer-ilaalinta Ciidamada Qalabka sida ay kusoo eedeysay inuu xabad ku riday Ex-dable Cabdifataax Maxamed Axmed, Taariikhdu markii ay ahayd 20-kii bishii May 2015-ka, una dhintay dilkaas oo ka dhacay Degmada Baraawe. dood-dheer kaddib, Maxkamaddu markay aragtay eeddii xafiiska xeer-ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Sida, Sido kale markay dhageysatay Qiraalka eedeysane, Gacan-ku-dhiigle Dable, Maxamed Cali Aadan oo Garsoorka Maxkamadda ka hor-qirtay inuu si bareer ah xabadda ugu dhuftay Marxuum Ex-dable, C/faaax Maxamed Axmed, waxay Maxkamaddu ku Xukuntay Dil Toogasho ah.”

Ugu dambeyn, Maxkamadda Cidamada Qalabka sida waxay mudooyinkii dambe xukunno kala duwan ku ridday eedeysanayaal loo haystay dambiya kala duwan oo isugu jira Askar iyo dad lala xiriiriyay Al-shabaab.
Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!