Maxkamada ciidammada oo xukun ku riday rag ka tirsan Al-shabaab

by wadani | Thursday, Oct 13, 2016

Muqdisho : HN :–Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, ayaa Maanta xukuntay Rag ka tirsanaa Malleeshiyaadka Al-Shabaab.

Garsooraha Maxkamadda Ciidanka qalabka sida ,G/dhexe, Xasan C/raxmaan Aaden, ayaa sheegay in Laba ka mid ah eedeeysanayaashan lagu xukumay mid Siddeed Sana oo xabsi Ciidan ah, halka mid kalena lasii daayay markii ay ku caddaan waayeen dembiyadii loo haystay.

Xubnahan ka tirsan Al-Shabaab ee Maanta la Maxkamadeeyay, ayaa lagu soo qabtay hawlgallo ay Ciidamada ammaanka ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Degmada Yaaqshid ee Gobolka Banaadir.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!