Maxkamada gobolka Banaadir oo xukun ku riday muwaadiniin u dhashay dalka Kenya

by admin | Thursday, Nov 5, 2015

Muqdisho : HN :–Maxkamada gobolka Banaadir ayaa maanta Khamiis ah xukun ku riday dad ajaaniib ah oo lagu soo eedeeyay in ay si sharci daro ah dalka ku joogeen kuna shaqeesanayeen iyo shirkadii dadkaasi dalka soo ga2015115635823036463276634Kenyan_Xukunno_lagu_riday_660lisay.

Dadkan Ajaaniibta ah ee xukunka lagu riday oo gaarayay 27-qof waxaa ay u dhasheen dalka Kenya, xeer ilaalinta dalka ayaana dadkan kusoo eedeeyay in sharci daro ay dalka kusoo galeen kuna shaqeesanayeen.

Guddoomiyaha maxkamada oo ku dhaqaaqay xukunka ajanaiibtan lagu riday ayaa sheegay in mid kasta oo dadkaasi kamid ah laga doonayo in uu bixiyo 10-Dollar oo ganaax ah oo loogu dhufanayo intii maalin ay dalka joogeen iyo in dalka laga saaro marka ay ganaaxa bixiyaan.

Maxkamada ayaa sidoo kale lacag ganaax ah oo gaareysa 10-kun oo Dollar waxa ay ku riday Shirkadii dadkan ajaaniibta ah dalka keentay una shaqeenayeen , waxaana halka xukunka ka dhacayay ku sugnaa qareeno matalayay Shirka iyo dadka ajaaniibta ah.

Magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah Magaalooyinka dalka waxaa ku sugan dad ajaaniib ah oo siyaabo kala duwan ula shaqeeya shirkado iyo ganacsato, dadkan ayaana ah kuwa aanan soo marin nidaamka dalka u degsan .

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!