Maxkamadeyntii wariyayaasha Idaacada Shabeelle oo dib loo dhigay

by admin | Monday, Jan 5, 2015

Muqdisho : HN :– Maanta oo Isniin ayuu qorshuhu ahaa maxkamadeynta Wariyeyaashii Idaacada Shabelle ee mudada shanta bil ka badan ku xiran xabsiga dhexe ayaa dib u dhac ku timid, kadib markii uu soo xaadiri waayay Qareenkii u doodayay wariyeyaashan.

Agaasimaha Idaacada Shabelle Maxamed Muuse Maxamed ayaa sheegay in aysan garan karin sababta uu Qareenka u maqan yahay, isla markaana uu ahaa nin muddo badan la soo shaqeeyay.

“Ballanta maanta waxaa ay aheyd dawacadii mudada dheer aan sugeynay in la qaado oo ah Wariyeyaashii Idaacadamaxkamadeyn-5 Shabelle oo muddo shan bil ka badan ku xiran Xabsiga Dhexe, waxaa nasiib daro aheyd in Qareenkii na matalayay aanu imaan, arrintaasna waxay sababtay in dacwadii Maxkamada la joojiyo”ayuu yiri Maxamed Muuse Agaasimaha Shabelle.

Waxaa uu intaa ku darray in Qareenka u doodayay Idaacada ay muddo 20-cisho ka hor lagu wargeliyay, isla markaana shalay ilaa doraad ay qadka taleefanka kula hadlayeen, balse aanay ogeyn sababta uu u imaan waayay.

Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa waxaa ku sugnaa ehelada Wariyeyaasha iyo bahda Saxaafada oo doonayay inay goob joog ka ahaadaan maxkamadeynta Wariyeyaasha Shabelle oo horay Xeer Ilaalinta ugu soo oogtay dacwad la xiriira inay falal lidi ku ah ammaanka ay baahiyeen iyo inay abuurayeen colaad.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!