Maxkamadeyntii wariyayaasha Shabeelle oo mar kale dib u dhac ku yimid

by admin | Sunday, Feb 15, 2015

Muqdisho : HN :– Waxaa maanta mar kale uu dib u dhac ku yimid maxkamdeyntii la fillayay ee milkiilaha idaacadda Shabelle iyo SKY FM illaa bisha Maarso ee soo socota, kaddib markii maanta la horkeenay maxkamadda gobolka Banaadir.

C/maalik Yuusuf Maxamuud oo ah milkiilaha idaacadahan iyo suxufiyiinta kala ah Axmed Cabdi Xasan, Maxamed Bashiir Xaashi iyo Maxamuud Carab oo dhammaantood ka mid ahaa wariyeyaasha ka howlgala idaacadahan.

Maxkamaddu markii la furay ayuu guddoomiyaha maxkamadda dalbaday in la horkeeno maxkamadda eedeymaha loo haysto wariyeyaasha, iyadoo ay xeer-ilaalintu sheegtay in lagu haysto dambiyo ay ka mid yihiin; faafin warar abuuraha xasillooni darro iyo kicin dadweyne.

Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir, Dr. Xaashi Cilmi Nuur ayaa intaas kaddib sheegay in eedeymaha wariyeyaashan loo haysto aysan201515635560445265058738Shabelle_SKY_FM_5 ahayn kuwo sharciga waafaqsan, sidaa daraadeedna dib loo dhigay maxkamadda oo dib ay u furmi doonto billowga bisha Maarso ee soo socota.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa ka dalbaday xeer-ilaalinta inay la yimaadaan eedeymo sharciga waafaqsan, iyadoo dib u dhigidda maxkamadeyta afartan suxufi ayaa noqoaysa tii afaraad, tan iyo markii la xiray bishii Ogoosto 2014-kii.

U doodaha wariyayaasha C/kariin Maxamed Soomaali oo go’aanka ay gaartay maxkamadda kaddib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in tani ay tahay mid sharci-darro ah, isagoo xusay in wariyeyaashan mudada ay ku jiraan xabsiga ay tahay mid aan sharciga waafaqsanayn.

“Wuxuu sharcigu dhigayaa in haddii qof la xiro dacwadiisa lagu soo diyaariyo muddo 48-saacadood ah, haddii kalena waa in lasii daayo. Marka shaciga ma garanayaan, haddii ay garanayaanna laguma dhaqmayo,” ayuu yiri Somali.

Afarta wariye ayaa laba ka mid ah waxay horay ugu jireen xabsiga halkaas oo dib loogu celiyay, halka labada kale oo damaanad dibadda ku joogayna la sii daayay si ay damaanad ugu joogaan dibadda inta laga maxkamadda lagu soo celinayo.

Si kastaba ha ahaatee, Maxamed Bashiir Xaashi, Maxamuud Carab, Axmed Cabdi Xasan iyo C/maalik Yuusuf ayaa waxaa la xiray bishii Ogoosto 2014-kii, iyadoo sidoo kalena albaabbada loo laabay labadii idaacadood ee SKY FM iyo Shabelle.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!