Maxkmad amarta in la xirro 14 qof oo lala xiriiranayo weerarkii Jaamacada Gaarisa

by admin | Tuesday, Apr 7, 2015

Nairobi : HN :–Dadka la amaray in la soo xirro ayaa waxaa ku jira shan qof oo ciidamada amnigu ay u xireen weerarkii Gaarisa lagu dilay 148-qof oo arday u badan, kuwaas oo la sheegay inay ku xiran yihiin xabsiyo aan la ogeyn oo Nairobi ku yaala, iyadoo weerarkan uu sababay dibad-baxyo ka dhaca magaalooyinka Kenya.

Xeer-ilaaliyaha Kenya, Daniel Karuri ayaa maanta sheegay ragga weerarka lala xiriirinayo ay ka mid yihiin; Maxamuud Aadan Suurow oo ah milkiilaha Hoteel ku yaalla Gaarisa, halkaasoo ay joogeen kooxihii weerarka ka fuliyay Jaamacadda.

Waxaa raggan la amray in la xiro ka mid ah; Cusmaan Cabdi Dhaqane oo la sheegay inuu ilaalo amni ahaa, Maxamed Cabdi Abiikar,Garissa-University-300x200 Xasan Aadan Xasan iyo Sahal Diiriye Xasan oo iyagana lagu eedeeyay inay yihiin raggii kooxaha weerarka geysatay u keenay hubka.

Tuhmana lixaad ee weerarkaas lala xiriirinayo ayaa waxaa ka mid ah ruux u dhashay dalka Tanzania oo lagu magacaabo Rashiid Charles Mberesero oo loo yaqaan Rehani Dida.

“Dhammaan tuhmanayaasha waa kuwo la rumeysan yahay inay kalin weyn ku lahaaayeen weerarkii ka dhacay Jaamacadda Gaarisa oo araday aan wax galabsan lagu laayay,” ayuu xeer ilaaliyuhu ka hor sheegay maxkamadda Nairobi.

Xubnaha looga shakisan yahay weerarkii Gaarisa ayaa waxaa ka mid ah nin u dhashay dalka Yemen oo lagu magacaabo, Axmed Maxamed Cali oo ay ka qabteen ciidamada amnigu gudaha Jaamacadda, balse diiday inuu kooxda Al-shabaab ka mid yahay iyo rag kale oo u dhashay dalka Uganda.

Ugu dambeyn, xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in tuhmanayaasha illaa hadda la xiray ay kala yihii; Andrew Katende, Antony Maina iyo Samuel Njuguna oo u dhashay dalka Uganda, waxaa kaloo ka mid ah, Mustafa Cabdi Yuusuf, Cabdi Cilmi Raage iyo Xasan Munguti Muiya oo Kenyan ah.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!