Mdaxweyne Xassan Sheekh oo sheegay in xukuumada howshii loo idmaday gudan-weyday

by admin | Friday, Nov 21, 2014

Copenhagen : HN :–Madaxweynaha dowladda faderaalka Soomaaliya,Xassan Sheekh Max’uud ayaa sii fogeeyay khilafka hadda jira,kaddib markuu ugu baaqay baarlamaanka inay keenan xukuumad cusub.

Xassan waxuu sheegay isagoo wareysi siinayay warbaahinta ku hadasha afka dowladda Soomaaliya,xukuumadda hadda shaqaysa inay howsheedii socon wayday,taa badalkeedana baarlamaanka laga doonayo xukuumad cusub.

Arrimaha khilaafka keenay ayuu ku sheegay in si sharci ah loogu kala baxo, isla markaana loo ogolaado hey’adaha dowladda inay shaqeeyaan.

“Xukuumadda shaqo loo dhiibay shaqadeeda waa socon weyday, hadey socon weyday waajibka baarlamaanka saaran wuxuu yahay inMadaxweyne-Xasan-Sheekh-NEWS3 uu hubiyo Xukuumadaas inay shaqeyso, hadey shaqeyn weysayna mid shaqeyso inuu Baarlamaanka keeno laga rabaa, hadii sida lagu kala duwanaado si lagu kala baxo ayay leedahay iyo meel lagu kala baxo”ayuu yiri madaxweyne Xassan Sheekh.

Madaxweynaha waxuu markii ugu horreeysay sheegay dhibaatada dhamman la’ ee ka taagan Soomaaliya inay ka weyntahay in loo sifeeyo shaqsi iyo koox gaar ah, waxaana uu xusay in laga soo gudbay xilligii sharci la’aanta, isla markaana ay Soomaaliya hey’adaheeda tahay mid nidaam iyo sharci leh oo la rabo inuu shaqeeyo.

“Aan u ogolaano Hey’aduhu inay shaqeeyaan, shaqsi ma ahan in mushkilada Soomaaliya ka jirta in loo sifeeyo ama koox, waxaas waa ka soo gudubnay, Soomaliya Hey’adaheeda nidaam iyo sharci ayay leeyihiin inay shaqeeyaan ayaa la rabaa, Baarlamaanka haloo ogolaado inuu shaqeeyo, oo uu shaqadiisa qabsado”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan isagoo sii hadalaya waxaa uu farrin ud iray shacabka Soomaaliyeed oo u faray in looga baahan-yahay inay ku kalsoondaan hey’adaha dowladda, waxaana uu tilmaamay in wixii mushkilad lagu xalinayo baarlamaanka gudihiisa ama Golaha wasiirada, ama Maxkamad, balse aan loo baahneyn in buuq la galo.

Madaxweynaha ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho,waxuuna magaalada Copenhagen ugu qayb-galay shir looga hadlay arrimaha Soomaaliya,kaaso muddo laabo maalin ah socday.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!