Meydka danjirihii Soomaaliya ee dalka Masar oo lagu aasay Muqdisho

by admin | Thursday, Nov 26, 2015

IB0A0684Muqdisho : HN :–Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya lagu aasay meydka Alle ha u naxatiirstee, safiirkii  ee Soomaaliya u jooga magaalada Qaahira dhinaca kalana ahaa wakiilka Soomaaliya ee Jaamacada Carabta Dr. C/llaahi Xasan Max’uud oo dhawaan ku geeriyooday magaalada Qaahira.

Salaada Janaasada ee Meydka Safiirkii hore ee Masar u fadhiyay ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasare kuxigeenka Maxamed Cumar Carte, Wasiiro, xildhibaano iyo ehelada marxuumka.

IB0A0734Aaska ayaa ka dhacay qabuuraha Isbitaal Madiina ayaa waxaa ka qeyb galay, Guddoomiyaha Gobolka Wasiiro, Xildhibaano, wafdi ka socday Jubbaland, waxaana ay ku tilmaamay marxuumka inuu ahaa nin wax weyn ka soo qabtay siyaasada arrimaha dibadda.

Allaha u naxariistee Danjire C/llaahi Xasan Maxamuud ayaa ahaa safiirkii mudada dheer u fadhiyay Soomaaliya dalka Masar iyo Jaamacadda Carabta.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Safiirka, waxaana uu ku tilmaamay in qeyb weyn uu ka soo qaatay diblomaasiyada Soomaaliya.

IB0A0769IB0A0795IB0A0823Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!