Meydka taliyihii ciidamada booliiska oo loo duuliyay Nairobi iyo baritaanka oo xoogeystay

by admin | Friday, Oct 31, 2014

Muqdisho : HN :– Waxaad moodaa in xafiiska ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya uu culeys badan saarayo siddii wax badan looga ogaan lahaa sababta rasmiga ah ee keentay geeridii deg dega aheyd ee ku timid maalintii shalay taliyihii ciidammada booliiska Soomaaliyeed Jen Max’ed Xassan Ismaaciil.

Warar goor dhaw soo baxaya ayaa sheegaya in meydka marxuumka loo duuliyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya kaddib markii ay siddaa ku taliyeen guddi heer wasiirro ah ra’iisal wasaaruhu saaray in la baaro kiiska geerida Jeneraalka.

Warar aan la hubin laakiin siweyn leys kula dhaxmarayo ayaa sheegaya in shakiga ugu weyn ee la qabo uu yahay in taliyaha la sumeeyay,IMG_F1015E-ADEFC0-E67F00-0FB9FD-8840AA-53C690 kaddib markii uu tagay mid ka mid ah baararka laga qaxweeyo ee magaalada Muqdisho oo la sheegay in uu inta badan fariisan jiray, halkaasoo uu ka cabay sidda wararku sheegayaan Shaah.

Tiro dad ah ayaa la sheegay in kiiska arrinta ku saabsan in xabsiga loo dhigay waxaana dadkaa ku jira shaqaalihii baarka uu wax ka cabay taliyaha, iyo howladeenadii isbitaalku geeriyooday.

Lama oga sidda saacadaha soo socda wax isku badali doonaan iyo natiijada kama daneysta ah ee ka soo bixi doonta baaritaanka la waddo.

Hiiraan Net.

 

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!