Meydka taliyihii ciidamada booliiska Soomaaliyeed oo dalka dib loogu soo celiyay

by admin | Sunday, Nov 2, 2014

Muqdisho : HN :– Waxaa maanta dalka dib loogu soo celiyay meydka alle ha u naxariisteen taliyihii ciidamada booliiska Soomaaliyeed Jen Max’d Xassan Ismaaciil, kaddib markii Nairobi loogu qaaday baaritaanno la xiriira sababihii deg-degga ahaa ee uu u dhintay.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo laga soo saaray baaritaankii la xiriira sababta geeridiisa, balse warar hoose ayaa sheegaya in dhakhaatiirtii baaray ay sheegeen inuu u dhintay xanuun dhinaca saableyda ah oo kusoo booday.

Shaki ayaa laga muujiyay geerida taliyaha oo neeftu ay ku xiran tahay, ka hor intii uusan ku dhiman isbitaal gaar loo leeyahay oo ku yaallataliye meydkiisa Muqdisho, iyadoo sidoo kale geeridiisa loo xiray dad badan oo ay ku jiraan dhakhaatiir.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Nuur Ameeriko, qunsulka safaarada Somalia ee Kenya, Maxamuud Shire iyo xoghayaasha safaarada ayaa garoonka Wilson ee Nairobi kusoo sagootiyay.

Waxaa lgau wadaa in isla maanta lagu aaso Muqdisho taliyihii hore ee booliiska Soomaaliya, iyadoo ra’iisul wasaaruhu uu u magacaabay taliye KMG ah Jen. Cismaan Cumar Weheliye (Gas-Gas) oo ahaa ku xigeenkii taliyaha geeriyooday.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!