Micheal Keating oo kulan la qaatay guddiga xalinta khilaafaadka

by wadani | Friday, Dec 16, 2016

Muqdisho : HN :-Wakiilka QM u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire  Michael keating ayaa Xalay Magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka.

Kulanka oo ay Albaabadu u xirnaayeen ayaa la sheegay in Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka iyo Danjire Michael keating ay ka wada hadleen Arrimo ay ka mid yihiin 11-ka Kursi ee Guddiga Xalinta Khilaafaadka uu laalay iyo Qeylo dhaanta kale ee weli ka soo yeereysa Musharaxiinta Xildhibaanada Aqalka Hoose iyo Beelaha intaba.

Weli lama oga Natiijada rasmiga ah ee ka soo baxday Kulanka Guddiga Xalinta Khilaafaadka iyo Wakiilka QM u qaablisan Soomaaliya ku dhexmaray Magaalada Muqdisho.

Guddiyada Doorashooyinka Jubbaland,Koofur Galbeed Hirshebelle , Galmudug iyo Jubbaland ayaa si wada jir ah uga horyimid Go’aanka Guddiga Xalinta Khilaafaadka ay ku joojiyeen 11 -ka xildhibaan ee la doortay.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!