Mid ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab oo dil ka geystay Xarardheere

by admin | Tuesday, Sep 23, 2014

Xarardheere : HN :–Wararka naga soo gaaraya degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in mid ka mid ah xooggga Al-shabaab uu xalay toogasho ku dillay gudaha degmada qof rayid ah, waxaana la shegay in xabsiga la dhigay gacan ku dhiiglaha dilka geystay.

Wararku waxaa ay intaa ku darrayaan in mid ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab iyo qofka uu dilay oo ka mid ahaa dadka deegaanka uu soo dhexmaray muran, taasoo keentay in qofkii rayidka ahaa la toogto.

“Qofka la dilay waa mid ka mid ah dhallinyarada ku nool degmada, waxaana toogtay mid ka mid ah ciidamada Al-shabaab oo ay murmeen,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka oo warbaahinta u warramayay saaka.

Goobjoogahan ayaa sheegay in wiilka uu markii hore dhaawac culus gaaray, balse uu goor dambe u dhintay, isagoo xusay in askarigiiCORRECTION-SOMALIA-UNREST-SHAHAB dilka geystay saaka la dhigay xabsiga.

Degmada Xarardheere ayaa waxaa gacanta ku haysa Al-shabaab ,balse weli kooxdu kama aysan hadlin dilka uu askarigooda u geystay qofka rayidka ah iyo sida ay ka yeeli doonaan.

Ma ahan markii ugu horreysay oo mid ka mid ah ciidamada Al-shabaab uu toogasho ku dilo qof rayid ah, iyadoo horay ay kooxdu qisaas ugu fulisay askari ciidamadeeda ka tirsan oo dilal ku geystay dad rayid ah.

Al-shabaab ayaa weli gacanta ku haysa deegaanno badan oo Soomaaliya ku yaalla, inkastoo weerarro xooggan ay ku hayaan ciidamada dowladda iyo kuwa ay gacanta ku halayaan ee AMISOM.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!