Mid ka mid ah diyaaradaha dagaallka Kenya oo ku dhacday dulleedka Kismaayo

by admin | Friday, Dec 5, 2014

Kismaayo : HN :– Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in diyaarad kuwa militariga ah oo laga leeyahay dalka Kenya ku dhacday meel dulleedka ka ah Kismaayo, kaddib duqeyn ay ka geysatay  deegaanno hoostaga degmada Jamaame.

Col David Obonyo oo ah afhayeenka ciidamada militariga dalka kenya ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in mid ka mid ah diyaaradahooda ay cilad farsamo ay ugu soo dhacday agagaarka magaalada Kismaayo.

“Mid ka mid ah diyaaradaheena dagaalka oo ka soo laabtay howl gal ka dhacay degmada Jamaame ayaa shalay ku dhacday duleedadiyaarado-dagaal11 Kismaayo”ayuu yiri Col. David Obonyo.

Wararka ayaa intaa ku daraya in labo ka mid ah duuliyeyaashii diyaarada ay ku dhinteen, halka labo kalena raqdooda la la’yahay.
Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo baadigoobayay bur burka diyaarada ayaa la sheegay inay gaareen halkii ay ku soo dhacday.

Dhinaca kale guddoomiyahah Al-Shabaab u qaabilsan Jubooyinka C/raxmaan Xudeyfa ayaa sheegay in dagaalyahanadooda ay gantaal kuwa lidka diyaaradaha ay la heleen diyaaradan, ayna dhulka u soo rideen.

Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa maalmihii u dambeeyay duqeymo cirka ah waxay ka geysanayeen deegaano ku yaala Gobolada Jubooyinka iyo Gedo.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!