Mid ka mid ah ergadii ansixinta dastuurka oo lagu dillay magaalada Muqdisho

by Somali | Thursday, Dec 6, 2012 | 28 views

Muqdisho : HN :  Kooxo hubeysan ayaa xalay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Wadajir ku toogtay mid ka mid ah odayaashii ansixiyay dastuurka ay ku shaqeyso Soomaaliya xili uu ku sugnaa xaafadda Xaawo Taako ee degmadaas.

Nabadoon la dillay oo magaciisa lagu sheegay Max’ed Max’uud Yuusuf ayaa waxaa uu ka qeb-qaatay shirka ergadii loo xulay in ay ansixiyaan dastuurka, islamarkaana soo xulaan xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ee xiligan shaqeynaya.

“Nabaddoonka waxaa lagu dilay degmada Wadajir, gaar ahana xaafadda Xaawo-taako, waxaa lagu hor-dilay garaash uu baabuur dhigtay, kooxihii dilkiisa geystayna way baxaseen,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka degmada Wadajir oo la hadlay saxaafadda.

Lama oga cida dhab ahaan ka danbeysa dilka nabadoonka taasoo qal qal weyn ku beertay inta badan odayaashii ansixisay dastuurka, kuwaasoo ku kala firirsan Muqdisho iyo gollada dalka.

Kooxda Al-shabaab ayaa horay u sheegtay in ay mid mid u ugaarsan doonto dhamaan odayaashii ka qeyb-galay shirkii lagu ansixiyay dastuurka soona xulay xildhibaannada baarlamaanka.

Hiiraan Net

Like it? Share it!