Mid ka mid ah ergadii dooratay C/llaahi Goodax oo Muqdisho lagu dilay

by wadani | Monday, Dec 5, 2016

Muqdisho : HN :- Warar goo dhaw soo baxay ayaa sheegaya ilinka hore ee garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho lagu toogtay nin dhalinyarro ah oo lagu magacaabi jiray C/qaadir Cabdi Sheekh Cali oo sidda eheladiisa sheegeen ka mid ahaa ergadii dooratay C/llaahi Goodax Barre.

Askari katirsan ciidamadadowlada Soomaaliya ayaa la sheegay in uu rasaas la dhacay ninkaasi shacabka ah sidaasna ugu geeriyooday goobta, waxaana halka uu dilku ka dhacay xiligaasi ku sugnaa dad shacab ah iyo ciidamo kale oo katirsan Dowlada.

Wali lama oga sababta ka dambeysa dilka uu askarigan katirsan ciidanka amaanka u geestay qofka shacabka ah, ninka la dilay ayaana la sheegay in uu kusii jeeday dhinaca garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ninka la dilay uu kamid ahaa Ergooyinkii dhawaan magaalada Jowhar ku dooratay Xildhibaan Cabdulaahi Goodax Barre, waxaana la sheegay ninka in uu kusii jeeday garoonka Aadan Cadde si uu halkaasi uga duulo.

Ugu danbeyntii, wali kama aysan hadlin laamaha amaanka dilkan ka dhacay goordhaw agagaarka Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho , lamana oga in askariga dilka geestay la xiray iyo in uu ka baxsaday goobta uu ka geestay dilka.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!