Mid ka mid ah ergadii soo doortay xildhibaannada Hirshabeelle oo xalay la dilay

by wadani | Monday, Nov 13, 2017

Muqdisho : HN :-Kooxo hubaysan oo ka tirsan Ururka Al-shabaab ayaa xalay waxa ay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ku dileen Nin Oday ahaa oo ka tirsanaa Ergadii Maamulka Hirshabeelle ee xildhibaanada ku soo doortay magaalada Jowhar.

Kooxda dilka geysatay ayaa Nabadoonka waxa ay ka toogteen qeybaha sare ee jirkiisa, kadibna waxa ay ka baxsadeen goobta, kahor inta aysan halkaasi soo gaarin Ciidamada Ammaanka Dowladda Federaalka.

Xasan Jaciir ayaa lagu magacaabi jiray Nabadoonka xalay lagu dilay Suuqa Bakaaraha, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah, oo qaarkood la hadlay warbaahinta gudaha.

Ciidamada Ammaanka Dowladda Federaalka ayaa baaritaano la xiriira sida uu dilka u dhacay iyo sidii looga daba tegi lahaa raggii dilka geystay waxa ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Howlwadaag, inkastoo ilaa hadda aanan la sheegin cid loo soo qabtay dilkaasi.

War Shabaabka ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayay ku sheegteen masuuliyadda dilkan, iyaga oo sidoo kale tilmaamay in Oday Jaciir maalmihii dambe uu ku howlanaa diyaarinta rag ilaalo u noqda  Haweenay xildhibaanad  ah oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay inay sii kordhinayaan beegsiga ay ku hayaan Odayaashii ka qayb galay Doorashooyinkii Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee Gobolada dalka Soomaaliya ka dhacay.

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!