Mid ka mid ah maamulka Jaamacada SIMID oo saakay Muqdisho lagu dillay

by admin | Wednesday, Dec 10, 2014

Muqdisho : HN :– Dabley hubeysan ayaa subaxnimadii hore ee saakay waxaa  ay ku toogteen magaalada Muqdisho mid ka mid ah maamulka iyo macalimiinta Jaamacada SIMAD.

Sidda dad goob joogayaal ah warbaahinta u sheegeen rag hubeysan ayaa toogtay mas’uulkan oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Maxamuud Xaamud ku dilay degmada Hodan, xilli uu watay gaari.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ibraahim Maxamuud Xaamud uu ahaa Ku simaha Gudoomiyaha Jaamacada SIMAD, iyadoo dilkiisa aan laBREAKIN garaneyn sababta ka dambeysa.

Maamulka Jaamacada SIMAD oo aan xiriir la sameynay ayaa inoo sheegay in xilliga Mas’uulkan la dilayay uu ku soo wajahnaa xarunta Jaamacada, isla markaana aanay garaneyn sababta loo dilay.

Jaamacada SIMAD ayaa ka mid ah jaamacadaha ugu caansan magaalada Muqdisho, iyadoo kulyadaheeda kala duwan ay dhigtaan kumanaan arday, waxaana sanadkan ka qalin jebisay arday kuman gaareysan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!