Mid ka mid ah macalimiinta Jaamacada SIMAD oo lagu dhaawacay qarax loogu xirray gaarigiisa

by admin | Wednesday, Jan 7, 2015

Muqdisho  : HN :–Warar goor dhaw soo baxay ayaa sheegay in mid ka mid ah macalimiinta Jaamacada SIMAD si xun loogu dhaawacay qarax goor dhaw loogu xirray gaarigiisa xaafadda Taleex ee magaalada Muqdisho.

Sida ay sheegayaan wararka Macalinkan ayaa magaciisa lagu soo gaabiyay C/xaliim, waxaana uu qaraxa ku waayay mid ka mid ah lugiisa sida ay dad goob joogayaal ahi sheegeen.

Goob joogayaasha ayaa sheegay in dhaawac macalin durbaba loo qaaday isbitaalka Madiina ee magaalada MuqdishoQarx guriga shaqallaha halkaasoo lagula tacaalayo.

Xiriiro aan la sameynay Maamulka Jaamacada SIMAD ayaa waxay noo xaqiijiyeen in macalinkan uu ahaa macalimiinta dhowaan la qaatay oo jaamacada cashir ka bixin jiray.

Bishii hore ayay aheyd markii kooxo hubeysan ay ku dileen degmada Hodan Mas’uul ka tirsanaa Jaamacada SIMAD oo lagu magacaabayay Ibraahim Maxamuud Xaamud.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!