Mid ka mid ah mas’uuliyiintii FIFA oo qiray in ay laaluush iyo musuq-maasuq ku kaceen

by admin | Thursday, Jun 4, 2015

Washington : HN :–Mid ka mid ah mas’uuliyiintii xiriirka FIFA oo lagu magacaabo Chuck Blazer  ayaa qirtay in isaga iyo xubno kale ay ku kaceen laaluush iyo musuq maasuq, isagoo cadeeyay inay laaluush ku qaateen u codeynta marti gelintii koobabkii adduunka ee sanadihii 1998-dii iyo 2010 oo lagu kala qabtay dalalka France iyo Koofur Afrika.

Blazer oo u dhashay dalka Mareykanka ayaa loo heystaa inuu galay illaa 10-dambi, kadib markii ay FBI soo bandhigeen warbixin ka hadlaysa ilaa 40 bog oo ku saabsan musuqa qotada dheer ee ku baahay xiriirka Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA.

Blazer ayaa sheegay in illaa 24 sanadood ay soo wadeen howshaan, waxaana uu tilmaamay in isaga iyo xubno kale ay fududeeyeen inayBlazer-280x175 aqbalaan laaluush ay ka qaataan marti gelinta Koobkii adduunka ee sanadkii 1998-dii

Sidoo kale waxaa uu fashilay waxyaabo kala duwan oo ay ka mid yihiin sida Guddiga Fulinta ay lacago badan oo laaluush ah u qaadan jireen mar kasta oo loo codeynayo marti gelinta Koobka Adduunka, waxaana tani ay halis gelin kartaa marti gelinta Koobka Adduunka ee dalalka Ruusha iyo Qatar ee la qaban doono sanadaha 2018 iyo 2022.

Sepp Blatter oo is casilay Madaxtinimada FIFA afar maalmood kadib markii dib loo doortay ayaa isagana waxaa ku socda baaritaan ku aadan ku lug lahaanshaha musuq maasuqa hareeyay FIFA, waxaana sidoo kale Booliska Adduunka uu soo saaray liis ay ku qoran yihiin ilaa lix xubnood oo ka mid yahay Madaxweyne kuxigeenkii hore ee FIFA.

Booliska Switzerland iyo FBI Mareykanka ayaa wali ku howlan baaritaanka musuqa ku baahay FIFA, waxaana calaamadeysan ilaa 14 xubnood oo todobo ka mid ah isbuucii la soo dhaafay la xiray, waxaana suura gal ah in maalmaha soo socda la soo bandhigo cadeymaha ku aadan fadeexadaha FIFA ee xaga musuq maasuqa ah.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!