Mid ka mid ah raggii fuliyay weerarka saldhiga AMISOM Xalane oo Kenyaan ahaa

by admin | Tuesday, Dec 30, 2014

Muqdisho : HN :– Xarrakada Al-shabaab  oo sheegatay in ay ka danbeysan weerarkii lagu qaaday dhawaan saldhiga ciidamada AMISOM ugu ballaaran ee Xalane, ayaa dhinaca kale war ay soo saartay waxaa ay ku sheegtay in ragii fuuliyay weerarkaas uu ka mid ahaa shaqsi Kenyaan ah.

Warbaahinta afka Shabaab ku hadasha ee Radio Andalus ayaa laga sii daayay wareysiga mid ka mid ah raggii fuliyay weerarkaas oo ahaa dagaalyahan u dhashay dalka Kenya oo magaciisa lagu sheegay Salmaan Al-Muhaajir.

Salmaan Al-Muhaajir ayaa ku hadlayay luuqada sawaaxiliga, isagoo si gaar ah uga hadlayay weeraradii ka dhacay gudaha Kenya, gaar ahaan weerarkii duleedka Mandhera oo uu sheegay in uu aad ugu riyaaqay.

Waxaa uu ugu baaqay shacabka Muslimiinta Kenya inay hubka qaataan oo ay Alle ka cabsadaan, kuna soo biiraanAl-Shabaab fighters fagaaraha jihaadka sida uu yiri.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarkaas ay ugu aar-gudaysay Hogaamiyahoodii hore Abuu Zubeyr , waxaana ay tilmaamtay inay ku dileen weerarkaas ilaa 25 ruux oo isugu jiray Saraakiil AMISOM iyo saraakiil caddaan ah ay ku dishay weerarkaas, inkastoo AMISOM ay cadeysay in shan askari iyo nin qandaraasle ah ay weerarkaas ku dhinteen.

Meydadka saddex ka tirsna Ciidamada AMISOM oo mid ka mid ah uu Sarkaal ahaa ayaa la geeyay magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Weerarkii Xalane ayaa ahaa kii labaad oo Al-Shabaab ku qaado, sanadkii 2009-kii ayay aheyd markii weerar loo adeegsaday labo baabuur laga soo buuxayay qaraxyo lagu galay Xarunta Xalane.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!