Mid ka mid ah shaqaalaha hay’adda ICRC oo lagu dilay gobolka Mudug

by wadani | Wednesday, Dec 28, 2016

Mudug :HN : – Nin hubeysan ayaa maalintii shalay deegaanka Camaara ee gobolka Mudug ku dilay shaqaale gargaar oo ka tirsanaa hay’adda ICRC oo lagu mgacaabi jiray Axmed Jaamac Siyaad.

Shaqsiga ayaa la dilay xili uu  gargaar u qeybinayay  dad ka soo barakacay abaarta iyo colaada gobollada dhexe oo deegaankaa ku sugnaa, sidda uu warbaahinta u sheegay nin la dhashay marxuumka oo lagu magacaabo Shariif Jaamac Siyaad.

Waxaa uu intaa ku daray  in ilaa iyo hada aysan ogeyn sababta rasmiga ah ee loo dilay walaalkii, hasse ahaatee waxaa uu sheegay in waqtiga la dilay uu ku howlaa qeybinta  gaargaar loogu talagalay dadka barakacayaasha.

Ugu danbeyntii, wararka na soo gaaraya ayaa sheegaya in qofka dilka geystay iyo marxuumka dhintay uu soo kala dhax-galay muran iyo khilaaf ka dhashay lacago ay isku lahaayeen.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!