Mid ka mid ah wasiir ku-xigeenadii la magacaabay oo is casillay

by admin | Saturday, Feb 7, 2015

Muqdisho : HN :–Wasiir ku-xigeenka labaad ee wasaarrada gaashaandhiga xukuumada cusub ee dhawaan lagu dhawaaqay C/raxmaan Kulmiye Xirsi ayaa warbaahinta u sheegay in xilkaas loo magacaabay uu iska casillay.

C/raxmaan Kulmiye Xirsi ayaa sheegay in habka loogu magacaabay xilka Wasiir kuxigeenka aysan waafaqsaneyn habka awood qeybsiga beelaha.

“Waxaa go’aansaday inaan iska casilo xilkii Wasiir kuxigeenka Gaashaandhiga ee la ii magacaabay 5-tii bishan febraayo, la igamaDalsan_Sanad_Guuro_(25) tashan, waxaana uu khilaafsanaa habka awood qeybsiga”ayuu yiri C/raxmaan Dheere oo wareysi siiyay idaacada BBC-da.

Sidoo kale C/raxmaan Dheere ayaa sheegay inuu la tashi la sameeyay siyaasiyiinta, xildhibaanada beeshiisa, kadibna uu iska casilay xilkaas sida uu yiri

C/raxmaan Dheere ayaa tilmaamay in Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha uu si cad ugu sheegay inuu xilkaan ka tagay oo uu iska casilay.

Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa xilligan leh labo Wasiir kuxigeen, taasoo ah markii u horeysay ee ay Wasaaraddan yeelato Labo Wasiir kuxigeeno, inkastoo uu horay C/raxmaan Dheere u soo noqday Wasiir kuxigeenka Gaashaandhiga Xukuumadii Saacid.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!