Mid ka mida musharixiinta maamulka gobolada dhexe oo Cadaado gaaray

by admin | Monday, May 11, 2015

Cadaado; HN;- Maxamed Cimi Afrax oo kamid ah murashaxiinta madaxweynenimada maamulka loo dhisayo gobollada Mudug iyo Galgaduud ayaa gaaray degmada Cadaaddo ee gobolka Galgduud oo uu ka socdo shirka lagu dhisayo maamulkaas.

Murashaxa ayaa waxaa Cadaado ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka kala tirsan maamulka gobolka Galgaduud, kan Ximan iyo Xeeb, hoggaamiyeyaal dhaqan iyo dad kale.

Mas’uuliyiinta soo dhaweysay murashaxa ayaa sheegay inay la shaqaynayaan qof kasta oo ka qaybqaadanaya horumarinta gobollada dhexe.

Maxamed Cilmi Afrax ayaa isaguna sheegay inuu Cadaado u tagay sidii uu uga qaybqaadan lahaa dar-dargalinta dhismaha maamulka gobollada Mudug iyo Galgaduud, wuxuuna u mahadceliyay mas’uulyiinta iyo dadka soo dhaweeyay.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!