Midnimo Halkay Taal. WQ: Mubarak Hadi

by Yahye | Thursday, Sep 27, 2012

Ummamka dunida ka jiraa xoogoodu wuxuu ku dhisanyahay midnimadoodu inta ay le’egtahay, sidaa daraadeed baa waxaa la yiraahdaa, midnimadu waa waxa ay ummaduhu ku gaaraan meesha sare ee sharafta leh. Waa waxa ay dantooda ku gaari karaan. Waa waxa keena iney bulsho noolaato iyadoo deggan oo xasiloon. Waa waxa keena ummadi ineey noqoto dad laga cabsado, la tixgaliyo ama la maamuuso. Midnimadu waa quwad, waxay ka mid tahay sunanta kowniga ah ee hadii la qaato lagu gaaro guusha, hadii la gudub marana lagu mutaysto in basharka loogu hoos maro. “يد الله مع الجماعه” (Eebbe wuxuu la jirankooda yahay jmaacada). Midnimada aadamaha oo keliya horumar kuma gaaro ee xitaa cayayaanka ayaa markay midaysanyihiin oo ay wada shaqeeyaan u suurta gasha ineey sameeyaan wax markii caqliga aadamaha loo bandhigo la yaab ku noqda. Tusaale, shinnidu markay xoogeeda midayso oo ay wada shaqayso waata aad aragteen malabka ay samayso. Shaacirkii da’da yaraa ee Mohamed Muumin “Ababe” waa tii uu lahaa:

“Shinniduba itaal ma leh

Markay wada shaqaysana              

Waataa malabka shiishee

Shixnadaha sameysee

Haamaha ku shubatee

Aadmigu shaxaadaan

Ummadaha shirkoobee

Xidigaha ku shirayana

Midnimeey shifeesteen”

Waxaa kaloo xussid mudan aboorka yar yar ee aad aragteen itaalkiisa. Aboorku wuxuu dhisaa dudumada aad wayninkeeda wada taqaanaan ee  xitaa dadka xoololayda ah markay xoolaha ka lumaan ay bidhaansadaan. Ninkii indhaha la’aa ee dudumada taabtay waa tuu yiri “ Waa yaab!!, waa shama reer !!, waana amakaag!!”, waa yaaboo duduntaan intan le’eg aboorbaa dhisay, waa shama reer oo candhuuftiisuu ku dhisay, waa amakaag (yaab) oo habeenkii buu dhisaa. Waxaa yaabka yaababkaas oo dhan ka sii yaabka badan uu yahay dhamaanteenna aan ku qanacsanahay ineey wadajir ugu suurta gashay in uu dudumada intaa le’eg dhiso.  Abwaan Xaji Aadan “Af Qalooc” (Alle ha u naxariistee) waa halkii uu inooga hoga-tusaalaynaayey markii uu lahaa:

“Aboorkuba allaylkuu dhisaa aqallo waaweyne
Markuu ururay daartuu abyeybaa la ashqaraaraaye

Ilkuhu wada jirkooday hilbaha adag ku gooyaane
Haddii iniba meel taagan tahay adhax ma feenteene”

Hadii aan intaa ugaga soo gudbo gogol dhiga qormadayda oo aan u soo gondo dego dulucda qormada, waxaynu manta noolnahay wakhti dhibaatada ugu balaaran ee dunida Islaamka ka jirta ay ugu wayntahay midnimo la’aan; midnimo caqiido, midnimo hadaf, midnimo quwadeed, midnimo ganacsi, midnimo culimo, midnimo dhalinyaro iyo hogaan intaba. Waxaynu joognaa wakhti reer galbeedku ay fahmeen qiimaha ay leedahay midnimada. Tusaale, midowga Yurub (EU) waa dowlado badan oo qaarkood xoog iyo quwadba leeyihiin qaar nugliyeer (NuclearPower) haystaa xitaa ay ku jiraan. Waxay arkaan ineey noloshoodu suurtagal ahayn mustaqbalka fog hadaanay midoobin oo aysan noqon sida mareekanka oo kale. Ineey midoobaan waxay u baahantahay ineey masaalix badan ka tagaan oo ay ka tanaasulaan. Waayo waxaa la midaynayaa dowlado xoolo leh oo qani ah iyo qaar dhaqaalohoodu uu sakxada (hoos) yaalo oo aan waxbana haysan. Waxaa wax isku darsanaya oo midoobaya dowladaha Yurubta galbeed (Weastern Europe) oo dhaqaale leh sida Norway, Sweden, Netherlands iyo Switzerland iyo kuwa dhaqaalahoodu uu sakxada yaalo sida Macedonia, Kosovo, Moldova, Albania iyo kuwo kaloo la mid ah. Waxaa cajiib ah dowladahaa midoobaya dhaqan ma wadaagaan, luqad ma wadaagaan, diin ma wadaagaan, oo taariikh ma midayso; Taariikh midaysa iskaba daaye waxaa soo kala dhex martay dagaalo iyo mugdiyo ba’an.  Iyadoo intaas oo dhan ay jirto ayaa hadana la midoobayaa si loo gaaro quwad iyo horumar balaaran. Intaas oo dhan iyagoo ku kala duwan bay wax isku darsadeen mustaqbalka fog iyagoo ka fikiraya iyo iyagoo arkaya basharku inuu yahay waxa ugu qaalisan ee la helo. Tolow maxaa mideeyay oo inoo diiday inaanu midowno iyadoo aynu leenahay awoodaha ay leeyihiin mid ka badan? Waa yaab! Waaxaa ina mideeya afkaar, waxaa ina mideeya dhaqan, waxaa ina mideeya qiyyam, waxaa ina mideeya manhaj, waxaa ina mideeya taariikh iyo weliba waxa dunida yaala wixii ugu qiimaha badnaa oo ah Qur’aan.

  • Guumaystihii reer Yurub way nakala qayb qaybiyeen markaasaynu rumeynay, kadibna soohdimo iyo xuduudday noo sameeyeen laabtayada ku qoranay. Waxaa taa kaaga sii daran ummaddii walaalaha ahayd waa la kala jar jaray, kamana suulayso ineey weli u sii kala qaybsamayso tuulooyin yar yar. Waagii muslimiintu midaysnayd waxaan ahaan jirnay qabiil soomaali la yiraahdo kana mid ah dowladdii Islaamka ee lahayd halka hoggaan. Markii guumaystuhu midnimadii iyo awooddii Islaamka uu kala qayb qaybiyay kadibna innaga dhigay qoys gobol dega oo  calanna leh, ayaanu hadana usii kala qayb qabsannay maamul goboleedyo. Waxaan dhawaan aruuriyay xogta maamul goboleedyada dalkeena hooyo ka jira tiradooda, waxaan la cajiibay oo aan la amakaagay ineey manta marayaan 37 maamul goboleed, maalin walbana ay ku soo biirayaan qaar hor leh oo car cartoodii qaba aadna moodo ineey ka soo baxeen xabsi ay horaan ku jireen. Rajo intee le’eg ayaa laga sugayaa baad akhristow is leedahay ummad midnimadeedu halkaa taagantahay? Miyaan garan waynay kol hadii ummaddii Islaamka ahayd nala kasoo gooyay oo aan gobol Muslim ah oo calan leh noqonay bal inaan intaa yar ku faro adeygno si inagoo midaysan oo quwad leh aan u dhinac istaagno walaaleheena Islaamka ah biri ka maalin. Markii intaa aynu garan waynay oo aan awoodeenii kala qayb qaybinay buu cadowguna na maamushay. Waxaynu ka wiiqanay xubin kasta oo ay ummaduhu ka xogaystaan, haday noqon lahayd maamul, ciidan, cilmi, dhaqan, qiyam, dhaqaale, awood iyo qaar kaloo badan. Maxaa ka run badan Eebbe sareeyee markuu yiri,”ولا تنازعوا فتفشلوا وتذهب ريحكم” (Ha iskhilaafina, si aydaan u fashilmin, quwadiinana aysan u tagin). Mar kale hadaynu u fiirsano shinnida, waxaan ka baran karnaa khilaafka iyo dhibkuu leeyahay. Kor waxaynu ku soo xusnay darsi iyo cashar ku saabsan shinnida oo aynu ka qaadan karno markay midaysantahay ee ay wada shaqayso guusha ay gaadho, sida ay wada shaqayntaa iyo midnimadaa ay malabka aad aragteen samayntiisa uga guul gaadho, ayaa hadana marka ay is khilaafto ay guul daraysataa oo lagaga faa’iidaystaa. Waxaa la yiraahdaa shinnida lama garto meel ay ku taalo inneey is khilaafto mooyaane, markaas ayaa la gurtaa hantideeda (malabka). Basharkuna waa sidaas oo kale, markuu is khilaafo oo ay midnimadiisu wiiqanto cadowgiisaa intuu isugu tago, gurta khayraadkiisa. Gabyaagii waynaa ee Dhoodaan bal ha innoogu tilmaamo gabay cajiib ah shinnada waxa ku dhaca markay is khilaafto. Wuxuu yiri:
  • Hadday shinidu malab toonsato oo meel tif kaga siiso
  • Intay tuduc walaalo ah tahay eey toobada u joogto
  • Geedaha taraxan kama naqaan mid ay ku taalaaye
  • Markayse talaqi guurayso eey balo taftaafayso
  • Tu waliba anaa talin hayeey kob isla taagtaaye
  • Markaasay dhawaaq tay odhan midiba taagteede
  • Xiinkeedi baa u taga dabeed cadow ka taag roone
  • Oo reerkay tigtiganaysay baa toobke loo guran e
  • Sidaan loogu turin baa dabeed wada taqaaniine

Midnimo maxaa lagu gaari karaa?

Way fududahay hadii la helo shuruudahan soo socda:

  • Ilaahay dartii oo la’isku jeclaado
  • wax wadaagis
  • isu dul qaadasho
  • isu tanaasul
  • isu naxariisasho
  • is aaminaad
  • isu hibeyn
  • danta guud oo laga wada shaqeeyo
  • caddowga oo hal dhana loogaga soo wada jeesto, innaan la noqon doqontii la yiri  labo iyo toban indhood bay leedahay; kow iyo tonban indhood inta u xigta ayeey isaga eegtaa, il kaliyana caddowga ayey isaga eegtaa. Xaaji Aadan “Af Qakooc” (AHUN) waa halkii uu ka yiri “Indhaha aad isku aragtaan cadaawaha iskaga eega”. Waa hubaal  hadii intaa la inaga helo innaynu gaareyno halkaan hiigsanayno; Qof ahaan, Qoys ahaan, iyo Qaran ahaanba.

Gunaanad

Guntii iyo gabagabadii qoraalkayga waxaan ku soo gunaanadayaa talo iyo dardaaran. Aan ku horeeyo dardaarankee waxaa jiray oday 80 jir ahaa oo uga tagay wiilashiisa dardaaran aan is dhihi karo waa qaaciido nololeed dhab ah. Waxaa la yiri markii uu arkay ineey geeridii u soo dhawaatay ayuu u dhawaaqay shan wiil oo uu dhalay. Wuxuu ku yiri,  “Nin walbow ul ii keen”.  Uulihii baa la keenay, markaas ayuu yiri, “ Nin walbow usha aad hayso kala jebi”.  Si fudud buu mid waliba ushii uu haystay u kala jebiyay.  Shantii ulood oo la isku geeyay buu midkood u dhiibay oo uu ku yiri “ Bal tana kala jebi”. Wuu kala jebin kari waayay.Mid kastoo wiilashii ka mid ahna wuu awoodi kari waayay inuu kala jabiyo ulihii markii la isku geeyay. Markaas ayaa isagoo la dardaarmaya wiilashiisa wuxuu yiri:

“تابى العصي اذا اجتمعن تكسرا*** واذا تــــفــــرقـــــت تــكـــســـرتــ آحـــادا”

(Ulihii way diideen ineey kala jabaan markii la isku geeyey, markii lakala qayb qaybiyayna hal hal baa loo kala jejebiyay)

Waxaan ugu danbayntii qormadan ku soo goynaya tuducyo micno wayn xanbaarsan oo aan ka soo xigtay Abwaankii waynaa Cabdullahi Muuse:

 “Tabantaabaday laba Gacmood tamar ku yeeshaane
Tiska waxa la qaadaa markay tiirisaa bidixe
Hadday midigtu keli taagan tahay tahar ma goyseene”

 

_____________________________ والله يقول الحق وهو يهدى السبيل_________________________

Mubarak Mohamud Saleban (Muabarak Hadi)

Email: Mubarakhadi@gmail.com

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!