Midowga Yurub” cid kasta oo carqalad ku ah ammniga Gaalkacyo waa lala xisaabtamayaa

by wadani | Thursday, Dec 3, 2015

Muqdisho : HN :–Dajiraha Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya,Michele Cervone d’Urso ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay,dagaal maanta dib uga qarxay magaalada Gaalkacyo oo ku taalla bartamaha Soomaaliya.

Waxuu usoo jeediyay dhinacyadda dagaallamaya inay ka dhabeeyaan ayna hirgeliyaan heshiiskii ay shalay wada-gaareen ee lugu doonayay in lugu soo afjaro colaada,muddada toddobadka ka badan ka taagan,magaalada xarunta u ah gobolka Mudug.EU

Cid kasta oo lugu caddeyo inay carqaladeeyeen heshiiska,waa lala xisaabtami doona,waxaana ugu baaqay dhinacyadda dagaallamaya inay hirgaliyaan qodobadii lugu heshiiyay,”ayuu yiri Danjire Michele Cervone.

Magaalada Gaalkacyo oo shalay dhinacyada Galmudug iyo Puntland ay ku kala saxiixdeen heshiis xabbad-joojin ah ayaa waxaa saaka mar kale ka dhacay dagaallo xooggan oo sababay,khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh.

Lix qof ayaa la sheegay dagaalka maanta dhacay inay ku dhinteen,waxuuna ku soo aadaya  xilli wali magaalada ay ku sugan yihiin qaar ka tirsan madaxda dalka sida ra’iisul  wasaaraha, madaxda maamullada Jubaland iyo Koonfur-Galbeed.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!