Midowga Yurub oo lacag ugu deeqday Soomaaliya

by wadani | Saturday, Jan 7, 2017

Muqdisho : HN :-Ururka Midowga Yurub ayaa sheegay in dalal Soomaaliya ay ku jirto inay ugu deeqeen dhaqaalo gaaraya 28 Milyan oo lacagta wadamada Yurub ah.

Wadamada dhaqaalaha loogu deeqay ayaa ku yaala qaaradaha Africa iyo Asia, waxaana wax looga qaban doonaa arimaha dhanka bini’aadannimada ah.

Midowga Yurub ayaa sheegay in qeyb dhaqaalahaasi kamid ah Soomaaliya ay soo gaari doonto horaanta sanadkaan cusub ee 2017.

Saraakiil ka tirsan Midowga Yurub ayaa sheegay in 10 milyan oo dhaqaalahaasi kamid ah in Soomaaliya ay soo gaari doonaan, waxaana wax looga qaban doonaa abaaraha iyo dhibaatada shacabka heysta.

“Lacagtaani waa mid loogu tala galay in wax loogu qabto dadka ay dhibaatadu ku haysato Soomaaliya , si gaara waxaa loogu caawi doonaa kuwa ay haystaan cunto yarida iyo biyo La’aanta” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Midowga Yurub.

Ugu dambeyn ururka Midowga Yurub ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka caawin doonaan arimo badan oo bini’aadanimada iyo siyaasadda ay qeyb ka yihiin.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!