Midowga Yurub oo weydiisatay dowlada Soomaaliya in la joojiyo xukunnada dilka

by admin | Saturday, Oct 10, 2015

Muqdisho : HN :–Ururka midowga Yurub ayaa sheegay in marnaba aysan raali ka noqon doonin ciqaabta dilka ah oo dhan, iyadoo ciqaabta dilalka ah, oo sidda ay sheegeen ka dhigan ku xad-gudubka xuquuqda aadanaha iyo sharaftiisa.

Midowga Yurub ayaa intaas ku daray inaan loo baahnayn in dil toogasho lagu fuliyo da2015415635646952708712431Ururka_Midowga_Yurub_Somalilanddka dambiyada kala duwan gala; iyagoo xusay in joojinta dilalka toogashada ah ay kaalinta 1-aad kaga jirto ahmiyadaha Midowga Yurub.

Sidoo kale, Midowga Yurub wuxuu dalbaday in nidaamka xuquuq-dhowrka leh si buuxda loogu hoggaansamo; iyadoo nidaamka saxda ah ee rafcaanka ahna la meel mariyo.

Midowga Yurub waxay ugu baaqaysaa dhamaan maamulada ka dhisan Soomaaliya inay si deg-deg ah u joojiyan xukunka dilka ah oo ay hir-geliyaan sharciga ku habboon arrintaas; kaasoo ujeeddadiisu tahay in la baabiiyo xukunka dilka ah.

Waan la soconaa in Soomaaliya ay ka go’an tahay sida ku cad heshiiskii ugu dambeeyay (2011-kii) ama Universal Period Review (2011-kii) oo lagu heshiiyay sida ay u hakin lahayd adeegsiga ciqaabta dilka iyo sidoo kale inay ka codaysay kal-fadhiga 69-aad ee golaha Qaramada Midoobay (2014-ka).

Ugu dambeyn, Ururka Midowga Yurub ayaa xusay inay diyaar u yihiin sidii ugala shaqayn lahaa madaxda Soomaaliyeed arrinkan; ayna taageersan yihiin sidii ay u dhisan lahayd nidaam garsoor oo casri ah oo baahida bulshada Soomaaliyeed buuxiya; isagoo dhowraya xuquuqda aadanaha ee caalimiga ah.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!