Midowgga Africa” amaan buuxa oo leysku haleyn karo ayaa Muqdisho ka jira

by admin | Sunday, Jan 11, 2015

Muqdisho : HN :–Magaalada Muqdisho ayaa maalintii shalay 30 sanno ku dhawaad kaddib marti-galisay shirkii wasiirro arrimo dibadeedka ruru gobolleedka IGAD, kaasoo soo jiitay idhaha caalamka.

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya,Maman S. Sidikou ayaa ka hadlay sida wanagsan ee u ku dhammaaday shirka wasiirrada IGAD waxuu ku sheegay inay caddeyn u tahay sawirka muujinaya amniga caasimada iyo guud ahaanba dalka.

Sidikou waxuu sheegay in maalin muhiim ah ay ahayd maalintii shalay,taas oo soo celinaysa dowlad-nimada Soomaaliya.
“Waxan oran kara waxay ahayd maalin taarikhi ah,doorka IGAD ee geeddi-socodka nabadda, dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska Soomaaliya waa mid horay u sii socda, shikan ay ku yeesheen Muqdisho waxuu ahaa mid muraay oo kale u ifiyay xasiloonida Muqdisho,” ayuu yiri danjire Sidikou.

“Run ahaantii, Soomaaliya waxaa ka jirta nabadgalyo weyn, waxaana taas caddeyn u ah booqashooyinkii ay MuqdishoDanjire_Maman_S_Sidikou_of_Africa horay ugu yimaadeen wufuud ka socoota Midowga iyo Qaramada Midoobay iyo weliba booqashadii uu ku yimid xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon. Waana taas midda sababta ay in wasiirrada IGAD ay shirkoodii 53-aad ku yeeshaan halkan.”ayuu ku daray hadalkiisa.

Wakiilka Midowga Afrika ayaa xusay in shirkii wasiirrada IGAD qodobbadii kasoo baxay ay qaarkood qayb weyn ka qaadanayaan horumarinta Soomaaliya, sida in la taageero dowladda Soomaaliya iyo maamullada dalka ka jira, si ay adeegga bulshada ay u baahan tahay ay ugu baahin lahaayeen dalka oo dhan, gaar ahaan deegaannadii laga qabsaday Al-shabaab.

Danjire Maman Sidikou ayaa ku celiyay in Midowga Afrika iyo AMISOM ay ka go’an tahay inay ka go’an tahay inay sii xoojiyaan taageerada ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ka siinayaan sidii Soomaaliya loogu soo celin lahaa nabad iyo deggenaasho waarta.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay inuu socda qorshe ay Muqdisho ku imaanayaan madaxweynayaasha IGAD,kuwaaso shirkooda ku qabsanaya.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!