Midowgga Africa oo faah faahin ka bixiyay sababta ciidamada Sierra Leone uga baxeen Soomaaliya

by admin | Friday, Dec 19, 2014

Muqdisho : HN :– Ururka midowgga Africa ayaa faah faahi dheeraad ah ka bixiyay sababihii keenay in ciidammada dowladda Sierra Leone ee qeybta ka ahaa howlgalka midowgga Africa AMISOM isaga baxaan Soomaaliya.

Taliyaha ciidanka AMISOM qaybta ka howsha gobollada Jubbooyinka, Jen. Alio ayaa sheegay in ciidamada dalka Sierra Leone ay howl-karnimo dheeraad ah sameeyeen intii ay joogeen Somalia ayna kaalin ka qaateen nabadeynta dalka.

“Howlaha ay AMISOM ka hayso Somalia ma hakan doonaan waana sii socon doonaan, aad baanan ugu faraxsanahay marxaladda ay Soomaaliya marayso marka la eego dhinaca amniga; horumar ayaana ka sameynayaa dagaalka aan kula jirto Al-shabaab,” ayuu taliyuhu hadalkiisa ku daray.

Jen. Alio ayaa sheegay in laba sababood awgood ay uga baxayaan ciidamada Sierra Leone dalka, kuwaasoo kala ah, go’aan kasoo baxayCiidamada-Sierra-Leone1 Midowga Afrika iyo duruufo la xiriira cudurka Ebola oo fara baas ku haya dalal ay Sierra Leone ka mid tahay.

Ciidamada Sierra Leone ka socda oo tiradoodu ahayd illaa 1,000 askari ayaa Soomaaliya la keenay dhammaadkii bishii Abriil ee 2013-kii, iyadoo loo wareejiyay gobollada ku yaalla Koonfurta Somalia ee Jubbooyinka, halkaasoo ay kala howlgalayeen ciidamada ka socda dalka Kenya.

Sababta ugu weyn ee ay ciidamada Sierra Leone uga baxayaan Soomaaliya ayaa ah cudurka Ebola ee dalkooda ka jira, maadaama aan la keeni karin dalka ciidamo bedela kuwa Somalia joogay. Taasoo ka ah qayb ah sidii looga hortegi lahaa in cudurka Ebola uusan soo gelin Geeska Afrika.

Munaasabad ay ka qeyb galeen madaxda dowlada Somalia, laguna sagootinayey ciidamada Siere-leone ayaa shalay lagu qabtay magaalada Kismaayo, waxaana Siere-leone ay noqoneysaa dalkii ugu horeeyey ee ciidamadiisa kala baxa howlgalka Midowga Afrika uu ka wado Somalia ee AMISOM.

 Hiiraan Net.
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!